Uncategorized

DAAWO Madashii Galabta ee Furitaanka Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland & Garoonka Hargeysa Stadium

Hargaysa 02.June (SDN) Tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland ayaa galabta ka furmay garoonka Hargeysa Stadium ee magaaladda Hargeysa, waxaana ciyaartii u horeysay oo aad u xiiso badan lagu furay Gobolka Maroodijeex ee difaacanaya horyaalnimadda ciyaaraha gobolka iyo xulka gobolka Saraar.

Xafladii furitaanka tartankan waxa kale oo ka soo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanada Goleyaasha baarlamaanka Somaliland iyo kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa iyo dadweyne taageereyaal u ah 13-ka gobol oo ka kala yimid goboladda dalka.

Tartankan waxa ka qeyb qaadanaya Goboladda Maroodijeex, Awdal, Gabiley, Hawd, Buuhoodle, Sool. Sanaag, Badhan, Saraar, Tog-dheer, Saaxil, Salal iyo Daad-madheedh. Ciyaartoyga xulalka gobolada oo sita calamo iyo astaamaha goboladooda ayaa socod ku maray garoonka, iyadoo ciidanka Baamboydu ay u garaacayaan muusiga heesta calanka Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com