Minneapolis June 03,2013(SDN)-In ka badan 170 ruux oo Soomaali ah oo isugu tegay Qolka kulamada ee Safari oo ku yaal magaalada Minneapolis ayaa doodo ka dhegeystay shan ka mida musharixiinta u tartamaya Duqa magaaladaasi.
Musharixiinta oo kala ahaa Don Samuels, Gary Schiff, Jackie Cherryhomes iyo Mark Andrew ayaa halkaa ku soo bandhigay qorsheyaasha wax qabad.
Musharixiinta qaar ayaa hadaladooda ku darsanayay ereyo Soomaali ah si markaa ay u soo jiitaan dadkii dhegeysanayay.
Don Samuels oo ka mida musharixiinta ayaa ka sheekeeya xiligii uu Mareykanka yimi afartameeyo sano ka hor in uu sitay uun $83 dollar oo qura.
“Waan garan karaa waxa ay ka dhigan tahay in ruux uu la qabsado dhaqan cusub iyo in la fahmo,qorsheheyga waxa ka mida in la caawiyo bulshada Soogelootiga”ayuu yiri Samuels.
Musharixiinta ayaa ka jawaabay Suaalo la xiriiray Shaqaaleynta,waxbarashada,guriyeynta iyo dhalain yarada.
Musharexiinta ayaa ka sinaa gidigood qorsheyaal wax qabad oo ku wejahan arimaha Soomaalidu gacanta dawladeed uga baahan tahay.
Doodaha Noocan ah ayaa wax ka tara wax ka qabashada xaaladaha cakiran ee Soomaalida ku heysta magaalooyinka waaweyn qurbaha.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com
