Gebilay 04.June (SDN) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigalinta Maamulka Heer Gobol iyo Mid Degmo,Qaybaha Bulshada ayaa Soo dhawayn balaadhan ugu sameeyay Degmada Gebilay Aqoon yahan Axmed Ismaaciil Samatar.
Soo dhawayntan oo Xamaasadi ku dheehnayd ayaa dadweynaha reer Gebilay ay kaga Hortageen Aqoon yahan Axmed Ismaaciil Samatar meel 8 KM u Jirta Magaalada Gebilay waxaana lagu soo Wareejiyay Magaalada Gebilay oo ah Deegaankii uu ku dhashay,Iyadoo Markaas kadib uu Shacabka Gebilay hadal duur xul suugaaneed uga jeediyay Fagaaraha Jaamacada Timcade ee Gebilay.
Gebilay SDN.
Qurbejoog.comk
