(KamapalasSDN) Guddomiyaha laanta xisbiga ucid ee dalka ugandha , khadar bitijoor ayaa ku tilmaayey kulanki wasiirka arimaha dibadu uu kula fadhiistay meel aan maqaamka somaliland ku munaasib ahyn waana siyaasad ay xukumada somaliland uu madaxweynaha ka yahay Md Madaxweyne ahmed mohamud siilaanyo dalka ku soo kordhisay waayo somaliland maanta waa ku ceeb inay la fadhiisato meel lagaga hadlayey shirkadaha ganacsiga somalia waliba waxaanu layaabnahay in calanka towxiidka leh somaliland inay hoosta dhigan oo qariyaan waa nasiib daro ku soo korodhay somaliland .
Hadabo nuqulkan oo saxafada loo qaybiyye ayaa waxa ka soo baxay qodobadan dhowrka ah
1 Hadaanu nahy laanta xisbiga ucid dalka ugandha aad baanu uga xunahya ina wasiirka arimaha dibada somaliland in lagu dhex arko meel aanay somaliland dani ugu jirin .
2 Sidii madaxda xisbiga ucid aya arinkan uu canbarayeen oo aanu ku hanbalyeynayno sida hanaanka leh ee ay uga hadlen kulanka calanka somailanad iyo meeqaamkaba hoos loogu dhigaayo inay ka xisbi ahaan meel adag iska taagyano .
3 Madaxweynaha somaliland waxaanu usoo jeedinayan inuu si dheer ula socdo meelah somaliland aany dani ugu jirin ama sharaf haan dal ahaan inoo fiicnayn inuu marka hore la soo mariyo oo aanay arimaha qaarta jaanta rogan inaga noqon mudane madaxweyne.
4 wasiirka arimaha dibada somaliland waxaanu leenahy wasiir arinkan waxa uu aha mid qaran ahaan inagu ceeb ah ka fiirso meelah qaar wixi aad wanaajinaysa waanu sheegi .
5 Hadabo waxaan shacabka somaliland iyo golayasha sharci dajinta iyo cid walo ay khuseeyso leenahy arimahan halaga yeesho talo qaran .
6 Maah maahba tidha hadalka aan fiiro odhan wey kula fogaadan caanah aan fiiqsi loo dhamina feedhahay wax yeelan sida waxa ka dhigan arinkan hada aan ka hadlayo ayuu hadalkiis aku soo afmeeray .
Waxa nuqulkan ku saxeexan
Guddomiyaha laanta xisbiga ucid ee dalka ugandha Md khadar mohamed nour (bitijoor)
+256791661106
khadarbitijoor@hotmail.com
OFFICE UGANDHA KAMAPALA
TOGAHERERNEWS OFFICE UGANDHA
