Uncategorized

Qormadii 7aad oo leh-Xukuumada Siilaanyo Ha-tol-tolato Dil-Dilaaceeda hana Dheeli-tirato Awrkeeda ay Heeryada ka Bedelayso

Xukuumadeey Xil-Daruuran-baa-Dumadaada Su-dhan!!!!

Hadii aynu nahay Qarankan yar- ee Barakeysan ee Somaliland  oo ah  wadan yar oo dihin oo curdin ah oo Ilaahay Salka U-dhigay Gacanka Cadmeed oo ah Goob marin-badeed-Istiraatiiji  ah oo ina iibin-karta hadii lahelo Hogaankeedii Caalamka u-suuq-geyn-lahaa ( leadership). laakiin nasiib-daro  aan Weli-aduunka la-inaga ictiraafin, Waxaana  aynu ku-maalin Riyoonaa in aynu nahay Qaran Dimuqraadi ah oo Ku-dhisan nidaamka Axsaabta badan,Axaabtaaba Badey sawtan-ribatey!!  Madax-banaanida Garsoorka, iyo La-dagaalanka Musuq-Maasuqa, Allahu-Ak-bar!! Golayaasha, sharci-dejinta iyo Xukuumada, Ma-kuwan galaa-mu-luxa-Booshaaqa ah ee iyagii  u-baahan in dhakhso loo laka miiro oo Mijo iyo Madax loo sameeyo.

Kaas oo ku-saleysan Mabaadiida Caalamiga ah ee Dhawrista Xuquuqda Aadanaha, ceebay Tacaal !! hada Maalin Walba Waxaa Dhulka La Jiidayaa Odey-Dhaqameed ay xukuumadu  khaladey oo ay Siyaasi ka dhigeen ama Dhalaan-Biri-Ma-Geydo ah ! Maa-mul-wanaaga iyo Horumarinta Wadanka ! Beeneey-waa-run!! Sawtan Lawada Daawanaayo  Wasiiro aan aqoon Xayn-daabkii Shaqadoodu Waxay tahay, Waxaa lawada arkey in Wasiiradu yihiin Master Key Beeleysan oo aan Mil-gahooda iyo Sharaftoodaba  Dhawran karin oo wada ah “Yes-Man.” Waxaana la arkey Wasiirkii arimaha Gudaha oo Metelaaya Wasiirka Arimaha Debeda oo shaqo aanu laheyn Faraha ku-la jira oo Su’aalo aanu Jawaanteeda laheyn Dhex-dabaalanaaya,Bal kawarama?  Isna  Kii  Madaxtooyada oo Metelayaa Wasiirkii arimaha Gudaha oo Saq-dhexe u-dhukusaaya Golayaasha Degaanka isaga oo Habeenkii Metelaaya Shirkadiisa , Bal-Qabsoo Mid-waliba wuxuu sitaa Laba Taariko oo aan Nidaam ahaan is-qabaneyn, Bal-kii  Duulista Hawada oo isna Metelaaya Kii  Arimaha Gudaha isna Ma-daawateen?.

Is-dhexyaacan Biyo Dhigay Xukuumada Siilaanyo Waxay  Meesha ka Saartey Maamul-wanaagii, Laka-danbeyntii iyo Haykalkii,Milgihii, Karaamadii iyo Nidaamkii Dawladnimo. Waxaa kale oo layna yidhi nidaamka aynu dhiganey wuxuu ku- saleysan yahay  Ladagaalanka Musuq-Maasuqa. Horta yaaba Hanti-Dhawrkiiba Power siiyey uu shaqadiisa ku-guto, sawtan Ganacsatada iyo Dilaaliinta lawada noqdey.Tani waa  Cajiib-Cajiib iyo Ila -qosla!  oo halkaa-U-dhaafimaayo ee Idinku sii- Wada !

Hadaba Wadaagayaal Su’aasha Meesha taalaa Waxa ay tahay Xukuumadan Siilaanyo oo ay maanta Qarankii iyo Qoomiyadiiba Qulbeen oo ay Qabyaalad iyo Hadal hayntii Hawl-wadeenadii xukuumada  oo ku-boo-daaleysanaya   xeyndaabkii Shaqadooda uu xaalkiiba noqdey. miyaa la odhan karaa iska-daa Dimuqraadiye waxay Xukuumadu ku-taagan tahay  jidkii ama dariqii  Saxa ahaa ee Socod-baradka Dimuqraadiga ahaa?  Miyaa aduunka la arkey Hawl-wadeyaal Xukuumadeed oo Hoosta ka wada Sameystey Hayado iyo Shirkado yar-yar oo aan Bireysneyn oo ( aan xalaal aheyn) oo ay ugu talo galeen in ay aduun ku lunsadaan? Miyaa Weli la arkey oo la maqley Hawl-wade-yaal Xukuumadeed oo Wakiilo u-ah Shirkado Waa-weyn oo Aduunka iyo  wadanka Gudihiisaba laga leeyahay oo kala Garan-waayey ama kala guri waayey laba shaqo ee ay madaxa isu-geliyeen?  Waar  -Waa Yaab iyo Amankaag!!!

Weli Somaliland may soo ,marin Xukuumad sidan oo kale isugu liin-baxdey oo hadana isku Muunad-baxdey. Xukuumad mudayac ah oo arinkeedu noqdey ku Raad-qaadasho iyo Ku-fool-dhaqasho ay Ceebaheedii ku-qarineyso. Weli meynaan arag Wasiiro Gaabis ah oo Doog-dhabanaaya uun.Halkii ay aheyd in ay Mudnaanta siiyaan Dhiiri-gelinta maslaxada Danta Guud ee Shacabka Somaliland ayey Shaqo-labaad ku-dul-sameysteen.Iyaga oo ka-faa’deysanaya Mansabkii dhabarka loo saarey, Halkii ay ka hir-gelin-lahaayeen Himilooyinkii, Qorsheyntii maa-mulka iyo maareyntii Habsami-u-socodkii hawlihii Qaranka ayaa waxa ay ka door-bideen in ay isu-diyaariyaan sidii ay mustaqbalka u-noqon-lahaayeen Mulkiilayaasha shirkadaha  waa-weyn ee Wadanka .Taas oo Sababtey in Xukuumadii kala Goyso Sunihii isu hayey Wadar-nimadii, Walaalnimadii, Wax-wada-lahaanshihii iyo Wadaagii Danta Guud ee ka dhexeeyey Beelaha Walalaha ee Wada Dega Degaanada Somaliland.

Waxaa kale oo iyana Mucjiso  labaadd ah in iyadoo Markii Horeba Dhiilaha Awrka inoo Saarnaa uu dhinac ka rarnaa ayaa hadana waxaa Xukuumada Siilaanyo ay  Caadeysatey Halkii ay ka dheeli-tiri-laheyd awrkeeda Cadaawe Dheereeye ee dhinaca ka raran in ay Hadana Joogag iyo Buraashado Badan ay u-sii raaciyaan  dhinicii uu Awrku u-dheelisanaa  si uu Awrku u-dido oo uu u-dhaba-baceeyo oo uu Waxaba u-daadiyo Taas oo ay islee-yihiin  ummaddu  Dareemi Maayaan ayey Awrkii ku sii Tiseen culeys kale oo hor-leh oo aanu-qaadi karin, Taas oo ah Badheedh-cadaan ah oo aad is-odhaneyso Waar-malaa  Xukuumadu waxay Dooneysaa in ay  Somalilandba  Daakhiliga isugu  Celiso.

Guntii iyo Geba-gebadii: Maa-daamma ay Midnimada iyo Nabadgelyadu ay tahay aas-aaska Dawladnimo,Waxaan Xukuumadda Leeyahay Si-ay haybada, Milgaha iyo Karaamadii Qaranku u-soo Noqoto Alleh Haydin Garan-siiyo In aad Golaha Fulinta ee Cusub ee aad soo Wadaan aad iska Falkisaan, Iskana Baan-dheysaan, Iskana Miisaan-taan oo aad  isu-dheeli-tirtaan.

Alleh Ayaa Mahad Leh,
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq,
A/Rahman Fidhinle
Intensive PA
United Kingdom