HargeysaJune 05,2013 (SDN/Hubaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa sas ka qaaday koox xildhibaano ah oo isu xilqaamay wax ka qabashada arrimo is dul tuullan oo dawladdu ka seexatay, gaar ahaanna Gobollada Bariga Somaliland.
Lix Xildhibaan ooka soo jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo dhawrkii maalmood ee u dembeeyey dedaalo nabadeed u joogay deegaamada Bariga Somaliland ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Sas ka qaaday dhaqdhaqaaqyadooda iyadoo isla dorraadba ka daba dirtay wefti uu hoggaaminayo wasiirka Madaxtooyadu kaas oo u dhaba galaya dadaalada nabadeed ee ay wadaan xildhibaannadaasi.
Md. Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), Md. Axmed Ducaale Bullaale, Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Md. Ibraahim Cabdi Carraale, Md. Maxamuud Dhunkaal Guutaale (Qoor) iyo Md. Faarax Maxamuud Cabdulle, oo Laga soo Doortay Saaxil, Sanaag iyo Sool kana soo jeeda Beesha Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Dhawrkii Maalmood ee u dembeeyey ku sugnaa deegaamadda Gobollada Sanaag iyo Sool, halkaas oo ay dadaalo nabadeed iyo isu soo dhawaanshiyo beeshooda ah ka wadeen, deegaamadaas oo muddooyinkii u dembeeyey xaalladdeeda siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaaleba aanay wanaagsanayn taniyo markii la iclaamiyey in shidaal laga sahaminayo bariga Somaliland gaar ahaanna Saraar.
Arrintan oo xurguf ka dhex dhalisay Qaybaha bulshada isla markaana ay xukuumadda isku af garan waayeen sida loo waajahayo sahamintaas iyo saamiga ay bulshada deeganku ku yeelanayso ayaa in dhawaaleba xaaladeedu cakirnayd, xukuumadduna aanay wax tallaabo ah ka qaadin xasillinteeda, marka laga reebo Wareegto amar-ku-taagleyn ah oo Madaxweyne Siilaanyo ka soo saaray arrinta shidaal, taasina ay sii hurisay xaaladii.
Haddaba Xildhibaannadan oo iskood isu xilqaamay ayaa la sheegay inay isu xulufaysteen sidii ay dadka deegaanka isugu soo dhawayn lahaayeen isla markaana shirar wada tashi iyo xasilooni ah isugu laab xaadhi lahaayeen, hase yeeshee Xukuumadda oo ka war heshay arrintan ayaa dorraad wefti ka daba dirtay iyadoo walaahow ka qaaday saamaynta ay ku reebayso xukuumad ahaan arrintan ay Mudanayaashu ku tallaabsadeen.
Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Hubaal helay ayaa sheegay in Mudanayaashu socdaalo ku mareen jiidaha Gobolka Ceel afweyn, Saraar iyo deegaamo kale halkaas oo ay ka taagan tahay qaddiyadda shidaalku, isla markaana aanay xukuumaddu haba yaraatee wax fulin ah ka samayn wareegtadii Madaxweynuhu kasoo saaray ee ahayd in ay shirkadaha shidaalku dhakhso u bilaabaan hawlahooda, hase yeeshee taas beddelkeeda ayaa la sheegay in qolyihii shidaalku dib uga soo gurteen deegaanka Caynabo ilaa 25Km oo dhinaca Togdheer ay u soo ruqaansadeen.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in hawsha Sugida ammaanka ee shirkadaha shidaalka baadhaya Qandaraas lagu siiyey Nin ingiriis ah, kaas oo isaguna qandaraas hoose (Sub contract ) u siiyey hawsha Ciidammada RRU-da loo yaqaan ee gaarka u tabobaran, arrintaasina waxa la sheegay inay ka sii cadhaysiisay dadka deegaanka oo awalba aanay u cuntamin saamiga ay ka helayaan shaqaalaynta mashruuca sahaminta.
