Boorama 07.June (SDN) Kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame, ayaa maanta si diiran ugu soo dhaweeyay gobolkaasi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan u Dhashay Somaliland.
Prof waxaa duleedka Magaalada Boorama kaga hortagay Shacab aad u tiro badan kuwaas oo qaarkood ka soo galbiyeen dhinaca Magaalada Dila waxaana Safarkiisan ku Wehelinayay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Somaliland oo ay ka Mid Yihiin Wasiirada Kalluumaysiga,iyo Beeraha.
