Washington June 07,2013(SDN)-Jariirada The Guardian ayaa shaacisay in dawlada Mareykanku ay haatan mudaba weday barnaamij ay ku keydineyso isticmaalka Isgaarsiinta ee dalkaasi.
Arintani oo aheyd hadal heynta u badan ee dalka Mareykanka ayaa soo jiidatay falaqeyn aan caadi aheyn oo dhanka sharciga ah.
Shuruucda Mareykanka ayaa si waafi ah u kafaalo qaadeysa xoriyada Kalsoonida isticmaalka isgaarsiinta telephonada khaasatan.
Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Barack Obama ayaase ku andacooneysa in aan la dhegeysan telephonada balse la hayo xogaha wicitaan ee dadku ku wada xiriiraan.
Xukuumada Mareykanka ayaa si qarsoodi ah ogolaasho uga qaadatay maxkamada sare ee dalkaasi si barnaamijkan loo hir geliyo.
Hadal heynta ayaa aheyd in mudadii aan la dooran madaxweyne Obama in uu barnaamijkan ku tilmaamay dhabe khatar u ah xoriyada Shacabka.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com
