Hargaysa 06.June (SDN) Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo uu Weheliyo Siyaasiga Cali Maxamed Waran Cade ayaa maanta ka qayb galay Xus balaadhan oo loo Sameeyay Dheelminta Ras’uulkeenii Suubanaa ee Muxamed NNKH oo ku beegan 27-Ka Bisha Rajab.,laguna qabtay Huteel Ambassador ee Caasimada Hargaysa .
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada Xuskani u leeyahay Shucuubta Islaamka ah iyo sida baahida loogu qabo in la weyneeyo Munaasibadaha diinteena ku soo arooray.
Sidoo kale Sayid Maxamed Sayid C.laahi oo Soo qaban qaabiyay Xuskan ayaa u mahadceliyay dhamaanba intii ka soo qayb gashay Xuskan diiniga ah
Geesta kale Gudoomiyaha degmada Arabsiyo Cabdillahi Cabdi faarax, ayaa waxa uu ka qayb-galay Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayey munaasibada Micraajka Nebigeenii suubanaa, Waxaanuu halkaasi uga jeediyey dadweynihii ka soo qayb-galay xafladaasi halkaasi hadal ku taxan Munaasibadda Micraajka ee habeenkii la dheelmiyey nebigeenii Suubanaa Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee iyo qiimaha ay muslimiinta u leedahay xasuusta munaasibadaasi.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay sh.Ismaaciil Muxumed Ibraahim, waxaanuu faah-faahin ka bixiyey sidii uu u dhacay dheelmintii iyo Micraajkii Nebigu. Waxaanuu xusay in Rasuulka Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee Habeenkaasi laynoogu soo dhiibay Waajibka shanta salaadood oo ajriga iyo xasanaadka ay leeyihiin aan la soo koobi Karin. Waxa kale oo uu sheekhu ka waramay wax-yaabihii kala duwanaa ee habeenkaasi la tusiyey Nebigeena suuban .
Sidoo kale Xusas la xidhiidha Dheelmintii Nebi Muxamed ayaa lagu qabtay Magaalooyinka Boorama,Berbera,Burco,Laascaanood iyo Ceerigaabo iyadoo Si Mug leh looga Sheekeeyay Taariikhda uu Nebi Muxamed NNKH uu noloshiisii la soo maray Diinta islaamka iyo fidinteeda.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
