Uncategorized

Fadeexadii ugu Xumeed ee Abid soo Marta Xafiiska Wakiilka Somaliland ee UK iyo Ururka SSUK oo Dul Hogeneysa.

Marka hore waxaan salaan u dirayaa dhamaan shacabka reer Somaliland iyo bahda saxaafada meelkasta oo ay ka joogan dunida dacaladeeda.

Waxaan Maanta Qalinka u Qaatey in aan Qoraalkan idiin soo Gudbiyo ,Markii aan arkey dad badan oo Caadeystey ama ku mamey lacagta yare e laga soo ururiyo qurbajooga Somaliland ee doonaya in ay u diraan dadkood dhibateysan ee jooga dalkii hooyo ,markaa waxaan isku dayaaya in aan wax ka idhahdo arintaasi foosha xun.

Ummad waliba waxaay ku faantaa oo ay ku dhaqanta Diintooda iyo Dhagaankood ,Inagu hadaynu nahay Somali dad ahaan waxaaynu nahay dad Islama 100% Dhinaca kalena waxaaynu leenahay Dhaqaan fiican oo soo jireena.waxaad mooda in aynu baraney dhaqamadii dalalkan dibada ee aynu joogno oo qofka u fududeynaya inuu dhexdabasho dhaqano iyo damiir xumo badan.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xafladii 18 /may/2013 ee ka dhacdey Magalada London iyo sidii loo lunsadey lacagtii yareed ee laga soo ururiyey bulsha weynta Somaliland ee ku nool uk.

Waxaa soo baxaya fadeexad aad iyo aad u weyn oo ku saabsan sidii loo maamuley lacagtii ka soo baxdey xafladii 18/may/13 ee lagu qabtey magalada London uk,taasi oo ay ka danbeyeen wakiilka Somaliland u jooga uk cali adan cawaale iyo niman isku sheegaya in ay yihiin urur la magac baxay SSUK .

Ilo-waraadyo aanu ka heleyno niman ku dhow dhow wakiilka Somaliland cali adan cawaale ayaa sheegaya in ay isku maandhafeen

Dhalinyaradii loo xil sarey maamulka xafalada 18/may ,ka dib markii la qancin waayey lacagtii ka soo baxdey xaflada iyo inta la hayo.

Wararku waxa kale oo ay intaasi ku darayaan lacagta la lunsadey oo muran badan dhalisey keenteyna in ay dhalinyaradii iyo wakiilka cali adan cawaale gacan ka hadal dhex maro,waxaa kale oo iyana meesha laga waayey gudidii uu magacabey wakiilku markii laysyidhi lacagtii xisabiya.

Dhalinyarada xaflada 18/may abaabuleysey waxaay soo bandhigeen xogta ay ka soo ururiyeen xaflada sidey u dhacdey iyo inta tigidh ee ay jareen iyo lacagta soo hoyatey maalintaas .

Dhalinyaradu waxaa ay sheegeen in lacagtii ka soo baxdey ay dhameed £26,500 lacagta la hayaana dhan tahay £22,300,waxaa intaasi dheer in uu yidhi wakiilka cali adan cawaale £10,000 anigaa leh oo lacagta stadium ka oo aan sii bixiyey ,waxaa iyana ay sheegeen £4000 ay nogdeen kharashkii kale ee soo baxay iyada oo aan loo heen wax cadeen ah .markii ay dhalinyaradu weydiiyeen maxaa cadeen ah oo aad haysaan in kiro iyo kharashkale ku baxeen waxaa ay ugu jawaabeen looma baahna dad aamina ayaa howshan gacanta ku hayey.Lacagta hada xasilka ah ee la hayaa ay dhan tahay £6,700 dhalinyaradiina ay diideen in ay ka gudooman lacagtan ilaa intii kale halka ay martey la helayo.

In kasta oo ay jiraan suaalo badan oo dadka shicibka ah is weydiinayaan qaabka loo maamuley xaflada iyo dadka ku dhexjira ee aan daacada aheen ee xafladii sanadkii hore ee 2012 lacagtii ka soo baxdey ee ay balan qaadeen in lacagta siinayaan dowlada hoose ee hargeysa oo baabuur dabdamis ah loogu iibinayo ilaa hadana lacagtii iyo baabuurtiina midna la heeyn,raga lacagtii sanadkii hore lunsadey ay sanadkana 2013 ka madax looga dhigey.

Ururada ka jira qurbaha qaarkood waxaay caadeysteen in lacagta yar ee laga soo urur muwaadiniyiinta reer Somaliland ay dhaxda u fadhiistaan iyaga oo dadka u sheegaya in ay lacagta u dirayaan dalkii hooyo .

Dhalinyaradu waxaay ka codsanayaan dawlada Somaliland in ay wax ka qabtaan dhibaatadan baahsan ee soo wajahdey dadkii dalkooda u daacada ahaa ee la niyad jabinayo,waxaan kaloo dawlada ka codsaneynaa in cali adan cawaale iyo ururka ssuk ee uu wataa soo bandhigaan wixii cadeeymo ah ee ay hayaan ee ay ku bixiyeen lacagtaa 19.000 ku dhow ee ay sheegayaan in ay kiro iyo kharashad kale baxeen oo ay soo ban dhigaan tv ga Qaranka iyo web Somaliland oo dhan.

Lacagtan waxaan ugu tala galney Markey soo baxdo in aanu ugu tabarucno xarumaha darbi jiifka magalada hargeysa oo ay balan tayadu aheen,sida uu noo sheegey nin isku magacabey ssuk in uu lacagtan u dirayo magalada boorame taasi oo majaro habaabis ah,si aan loo helin lacagta intey aheed.

LA SOCO QEYBTA LABAAD

Lacagtii lala Baxsadey habeenimadii 18/5/13 Xaflada Dabadeed iyo Guri Northall ku yaala oo lala Tagey Lacagta