Uncategorized

Xus loo sameeyay Dheelmintii Ras’uulkeenii Muxamed NNKH oo lagu qabtay Magaalooyinka Somaliland

Hargaysa 06.June (SDN)  Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo uu Weheliyo Siyaasiga Cali Maxamed Waran Cade ayaa maanta ka qayb galay Xus balaadhan oo loo Sameeyay Dheelminta Ras’uulkeenii Suubanaa ee Muxamed NNKH oo  ku beegan 27-Ka Bisha Rajab.,laguna qabtay Huteel Ambassador  ee Caasimada Hargaysa .

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay ahmiyada Xuskani u leeyahay Shucuubta Islaamka ah iyo sida baahida loogu qabo in la weyneeyo Munaasibadaha diinteena ku soo arooray.

Sidoo kale Sayid Maxamed Sayid C.laahi oo Soo qaban qaabiyay Xuskan ayaa u mahadceliyay dhamaanba intii ka soo qayb gashay Xuskan diiniga ah

Geesta kale Gudoomiyaha  degmada Arabsiyo  Cabdillahi Cabdi faarax,  ayaa waxa uu  ka qayb-galay  Xaflad si weyn loo soo agaasimay  oo lagu xusayey munaasibada  Micraajka Nebigeenii suubanaa, Waxaanuu halkaasi uga  jeediyey   dadweynihii ka soo qayb-galay xafladaasi halkaasi  hadal  ku taxan  Munaasibadda  Micraajka ee habeenkii  la dheelmiyey nebigeenii Suubanaa Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee iyo qiimaha   ay muslimiinta  u leedahay  xasuusta  munaasibadaasi.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay  sh.Ismaaciil  Muxumed  Ibraahim, waxaanuu faah-faahin ka bixiyey sidii uu u dhacay  dheelmintii iyo Micraajkii Nebigu. Waxaanuu xusay in Rasuulka  Nabadgelyo iyo Naxariisi Korkiisa ha ahaatee  Habeenkaasi laynoogu soo dhiibay Waajibka  shanta salaadood oo ajriga iyo xasanaadka ay leeyihiin aan la soo koobi Karin. Waxa kale oo uu sheekhu ka waramay wax-yaabihii kala duwanaa ee habeenkaasi la  tusiyey Nebigeena suuban .

Sidoo kale Xusas la xidhiidha Dheelmintii Nebi Muxamed ayaa lagu qabtay Magaalooyinka Boorama,Berbera,Burco,Laascaanood iyo Ceerigaabo iyadoo Si Mug leh  looga Sheekeeyay Taariikhda uu Nebi Muxamed NNKH uu noloshiisii la soo maray Diinta islaamka iyo fidinteeda.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com