Hargaysa 11.June (SDN) Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal ayaa maanta warbixin ka siiyay Gudida Arimaha Bulshada ee Golaha wakiilada tartanka Ciyaaraha Gobolada ee ka Socda Caasimada Hargaysa,iyagoo isla qaatay in sida ugu dhakhsiyaha badan Xoriyadoodii loogu soo Celiyo Xulkii Gobolka Togdheer u Matalayay Ciyaaraha Gobolada.
Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu waxa uu sheegay in tartanka ciyaaraha ee Gobolada dalka looga gol leeyahay sidii is dhex galka dhalinyarada si lo abuuro bulsho ka fayow waxyaabaha aafeeya horumarka dhalinyarada.
Wasiirku Marka uu Warbixintiisa Kooban Dhamaystay Waxaa Su’aalo daran doori ah la Beegsaday Xildhibaanada Gudi hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada oo Soo Qufay dhaliilo is barkan oo Wasaarada Ciyaaraha loo Tirinayo,Iyagoo Wasiirkana ku Dirqiyay inuu Si Dhakhso ah Xoriyadoodii ugu Soo Celiyo Ciyaartoygaas Xabsiga ku Jira.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WAKIILORAYGAL.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
