Uncategorized

Garnaqsigii Xildhibaanada iyo Is Difaacii Wasiirka Ciyaaraha “Xul kala Qaybsan ayaad Tartanka ka qayb galisay” {DHAGAYSO}

Hargaysa 11.June (SDN) Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal ayaa maanta warbixin ka siiyay  Gudida Arimaha Bulshada  ee Golaha  wakiilada   tartanka Ciyaaraha Gobolada  ee ka Socda Caasimada Hargaysa,iyagoo isla qaatay in sida ugu dhakhsiyaha badan Xoriyadoodii loogu soo Celiyo Xulkii Gobolka Togdheer u Matalayay Ciyaaraha Gobolada.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaruhu  waxa uu sheegay in tartanka ciyaaraha ee Gobolada  dalka  looga gol leeyahay sidii  is dhex galka  dhalinyarada si lo abuuro  bulsho ka fayow waxyaabaha aafeeya horumarka dhalinyarada.

Wasiirku Marka uu Warbixintiisa Kooban Dhamaystay Waxaa Su’aalo daran doori ah la Beegsaday Xildhibaanada Gudi hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada oo Soo Qufay dhaliilo is barkan oo Wasaarada Ciyaaraha loo Tirinayo,Iyagoo Wasiirkana ku Dirqiyay inuu Si Dhakhso ah Xoriyadoodii ugu Soo Celiyo Ciyaartoygaas Xabsiga ku Jira.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WAKIILORAYGAL.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com