Waxaan marka hore salan mugleh hawada usoo marinayaa saxaafada xorta ah ee muujisa ama baahisa dareenada shacabka ee jira ,
Waxaa furitaankii ciyaara gobolada Somaliland ee 2/6/2013 ka soo qayb galkoodii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ,Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay xasuustaydii ay dib u celisay wakhti hada laga joogo 26 sano , oo ku beegan 12/4/1987
Hadaan mudanayaal iyo marwooyinba aan idin taabsiyo dareenkii isku midka ahaa ee ka dhashay ka soo qayb galkii ciyaara gobolada ee madaxweynihii aynu soo dooranay iyo maalintii waftigii u hogaaminayey Maxamed Siyad Bare ee ka soo kicitimay dalka jabuuti iyo kalmadiisii ahayd (yaa ku dhuusay gaiblay), april-1987, iyo goobta ay labada hoogamiye dhacdadoodu ka wada dhacday oo ahayd Hargaysa Stadium
Taariikhdu markay ahayd (April 1987) ayaa madaxweynihii kaligii taliya ahaa ee maxamed siyaad bare wafti u hogaaminayo isaga dhulka maraaya oo ka soo anbabaxay jamuuriyada aynu walaala nahay ee jamuuriyada jabuuti, wakhtigaas oo talada wadankaasi uu hayey ,madaxweynihii geeriyooday ALLE naxaristiisi jano ha ka waraabiye marxuum Xassan Gulled Abti Doon , isla waftigaasi waxaa uu ka soo dhaqaqay casimada dalkaasi jabuuti ka dib waxaa uu soo qaaday xeebta dhereran ee galbeedka soomaaliland waxay magalaba magaaloo usoo dhiibtaba markuu soo gadhay casimada jamuriyada somaliland oo wakhtigaas loo yaqaanay casimada labaad ee (JDKS), waxaay degdeg u habeeyen madaxdii heer gobolee wakhtigaasi isla maalintii uu siyaad bare hargaysa soo galayba galabnimadeedi kulan uu madaxweynuhu kula kulmo shacabka ku dhaqan hargaysa si uu wax ugu sheego, goobtaas kulanku ka dhacayna waxay ahayd hargaysa stadium, kadib madaxweynuhu hadalkiisi waxaa uu ku bilaabay salaan, qadar hadala ah oo inyar socday, intaa kadib hadalo isugu jiray tusaale iyo canbaareyn ayuu hadalkiisi kusoo daray in magaaladii gabilay ee uu soo maray anay ahayn sidii u ku ogaa iyo si u dhaw toona, isaga oo odaygu is waxwaaxaya cod kalsooniya ayuu ku yidhi waxaan soo maray magaaladii gabilay oo aad moodo in lagu dhuusay, intaanu hadalkiisi afkaba ka soo dhamaan ayaa waxaa dhacay qaylo, foodhi tuuryo , hadaladaas ay shacabku ku dhawaqayeen waxaa ka mid ahayd ,huuro, faqash huuro adiga ku dhuusay, halkaasna waxaa ku geeriyoday wiil dhalinyaro ah oo ay ku toogteen cidamadii waagas daacada u ahaa kaligii taliye maxamed siyaad Bare, marxuumkaas oo gurigoodu u jiray hargaysa stadium qiyaas ku dhaw 200m hadaanay ka yarayn, hadaan hadaba kusoo dhawaado waxaa xasuustaas dib usoo nooleyey.
Xasuus huwan, cabudhin saxafadeed, boob doorasho, musuqmaasuqi oo casriyeysan, qabyaaldii oo la mida wakhtigaas siyaad bare hargaysa yimi, hadaba saaxiibayal dareen walaaleeyey waftigaas hore mid la mida ayaa lagu salamay madaxweynaha jamuuriyada Somaliland ee hada joga, hadaba halbaa u nool maanta madaxweynihii lagu hungoobay doorashadiisa ee siilaanyo haduu janiskaas ka faa’iideyana inuun waxaa lagayabaa in shacabku inta u hadhay ku siman,
waxaa soomaaliland soo maray 4 madaxweyne , 3dii ugu horeeyay markaan dib u eego wali may dhicin mid iyaga ka mida intuu fagaare isa soo taagay in lagu foodhyey ,waxaan ahayn sacaba tun iyo hoos dhawoow mooyane ,
Waxaa dhacay malintii furitaankii ciyara gobolada wax sharaf dhac ah oo aan odhan karo haduu yahay madaxweyne ay ka dhabtay waxii uu bulshada u sheegi jiray in uu soo kala galo laba mid uun,
Inuu is casilo
Inuu ragbadan oo waxii jira iyo waxaan jirin ba ku yidhaa, adaa hagagsan inuu xilka qaadis ku sameeyo, shacabkana wax waydiiyo,
Doorashadiisi mujaahidiintii taqaanay soomay dhawayne ,da’yarta ayuu ka faa’iidaystay,
Doorashadiisi odayga hadaan dib u xuso, dadkii yaqaanay soomay dhawayne da’yar aan waxba ogayn oo daacada, kuna qanacsanayd gudoomiyihii xusbiga SNM ayuu mar ahaa ayaa codka siisay ,laakiin dhalintu may ogayn in dib u xorayntii Somaliland ay suuuro gashay markii talada laga wareejiyey SNM, markii u odaygu talada hayey waxaa jiray is qabqabsi ku salaynsan qabyaalad kasoo ragaadiyey ujeedadii dhibaatadu u gaadhay shacabka ,
Talo bixin
Ninba yidhi war arinta inoo qaybiya oo waliba cunsurtana xagayaga soo mariya ,laakiin inagu odhan mayno sidaas waayo waxaa wax inaga xorayn kara waa cod iyo feejignan isku mida iyo hogaan fiican oo hadana dib loo sahamiyo iyadoo saldhig looga dhigaayo yaa wax qaban kara,
Qabyaalada oo la wada fahmo inay cudur dilaaya tahay,
Qalinkii ; Cabdilaahi Cismaan Cabdi ( Cabdilaahi Gadhle)
