Uncategorized

Qodobo laga soo saaray Shir Beeleed Ka Socday Deegaanka Garbo Ee Degmada Yufle Ee Gobolka Sanaag {DHAGAYSO}

Ceerigaabo 12.June (SDN)  Kulan balaadhan ay soo qabanqaabiyeen, waayeelka, aqoonyahanka iyo   dhalinyarada beesha degaanka degmada Yufle ayaa maanta lagu soo gebagebayay  tuulada Garbo ee koonfurta degmada Ceerigaabo,

kulankaas oo lagaga hadlayay hawlaha horumarka bulshada, ilaalinta degaanka  iyo adkaynta  nabadgelyada ayaa waxa munaasibadii xidhitaanka kasoo qayb galay boqoro, salaadiin, cuqaal, aqoonyahan, dhalinyaro iyo martisharaf aad u tiro badan.

Gudoomiyaha qabanqaabada shirka Axmed Maxamed Faarax oo ugu horeynba ka hadlay munaasibadii xidhitaanka kulankaasi ayaa  faahfaahin ka bixiyey hadafka iyo ujeedadda shirkan isagoo halkaasina ka shaaciyey lix qodob oo kasoo baxay maxsuulka shirka tuulada Garbo uga socday ardaayada beesha degaanka Yufle

Chief caaqil Maxamed Cabdi Soofe ayaa isaguna dhiniciisa madashaasi ka cadeeyey sida degaanka beeshani ay heeganka ugu yihiin taageerida xukuumada somaliland eek u aadan hawlaha adkaynta nabadgelyada iyo difaaca qaranimada iyo midnimada Somaliland isagoo xukuumadana ugu baaqay in ay gobolka iyo degaankaba u qabato wixii waajib ka saaran ee ku wajahan dhinaca horumarka iyo siyaasadaba.

Gudoomiyaha guddida shirka Garbo Siyaasi Axmed Xasan dhunkaal ayaa isaguna dhiniciisa ugu baaqay bulshada reer Sanaag iyo degaanka degmada Yufleba in ay ka midoobaan fekerka dhinaca horumarka iyo danta guud isagoo  intaasi raaciyey in iskaashiga iyo isdhexgalka bulshadu yahay furaha albaabka horumarka iyo ka faaiidaysiga waxqabadka xukuumada iyo beesha caalamkaba

Waxaa kaloo isaguna kulankaasi ka hadlay Maayarka degmada Yufle Axmed Xuseen Muuse (mijir) oo ka waramay xaalada degmada yufleiyo degaamada hoosyimaada  isagoo dhiniciisana ugu baaqay xukuumada  iyo haayadaha samafalkba in ay waxka qabtaan baahiyaha ka jira degaanka sida biyaha, caafimaadka iyo ka faaiidaysiga khayraadka xabkaha iyo faleenka ee degmadu hodanka ku tahay

Suuldaan Cali Yuusuf Badda Cas, Boqor Maxamed nuux Aadan , cuqaal iyo guurti aad u tiro badan  oo dhamaantoodba halkaasi ka hadlay  ayaa iyaguna xusay sida ay u taageersan yihiin mowqifka iyo go;aamada ka soo baxay kulankii bulshada degaanka Yufle uga socday tuulada garbo.

Waxaa kaloo madaxdii dhaqanka gobolka sanaag ee shirkaasi ka hadlay ay dhamaantoodba halkaasi ka cadeeyeen sida ay xukuumada ugu barbartaagan yihiin daahfurka khayraadka dalka ee xukuumadu ka wado degaanada khayraadku ku duugan yahay

Gebegabadii kulankaana waxaa halkaasi hadaladii xidhitaanka kulankan ka soo jeediyey Boqor Maxamed Boqor Axmed isagoo halkaasi mahadnaq iyo dardaaaranba ku siiyey dhamaanba intii ka soo qaybgashay kulankaasi.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Qodobada12.mp3″]
Ceerigaabo SDN.

Qurbejoog.com