Ceerigaabo 12.June (SDN) Kulan balaadhan ay soo qabanqaabiyeen, waayeelka, aqoonyahanka iyo dhalinyarada beesha degaanka degmada Yufle ayaa maanta lagu soo gebagebayay tuulada Garbo ee koonfurta degmada Ceerigaabo,
kulankaas oo lagaga hadlayay hawlaha horumarka bulshada, ilaalinta degaanka iyo adkaynta nabadgelyada ayaa waxa munaasibadii xidhitaanka kasoo qayb galay boqoro, salaadiin, cuqaal, aqoonyahan, dhalinyaro iyo martisharaf aad u tiro badan.
Gudoomiyaha qabanqaabada shirka Axmed Maxamed Faarax oo ugu horeynba ka hadlay munaasibadii xidhitaanka kulankaasi ayaa faahfaahin ka bixiyey hadafka iyo ujeedadda shirkan isagoo halkaasina ka shaaciyey lix qodob oo kasoo baxay maxsuulka shirka tuulada Garbo uga socday ardaayada beesha degaanka Yufle
Chief caaqil Maxamed Cabdi Soofe ayaa isaguna dhiniciisa madashaasi ka cadeeyey sida degaanka beeshani ay heeganka ugu yihiin taageerida xukuumada somaliland eek u aadan hawlaha adkaynta nabadgelyada iyo difaaca qaranimada iyo midnimada Somaliland isagoo xukuumadana ugu baaqay in ay gobolka iyo degaankaba u qabato wixii waajib ka saaran ee ku wajahan dhinaca horumarka iyo siyaasadaba.
Gudoomiyaha guddida shirka Garbo Siyaasi Axmed Xasan dhunkaal ayaa isaguna dhiniciisa ugu baaqay bulshada reer Sanaag iyo degaanka degmada Yufleba in ay ka midoobaan fekerka dhinaca horumarka iyo danta guud isagoo intaasi raaciyey in iskaashiga iyo isdhexgalka bulshadu yahay furaha albaabka horumarka iyo ka faaiidaysiga waxqabadka xukuumada iyo beesha caalamkaba
Waxaa kaloo isaguna kulankaasi ka hadlay Maayarka degmada Yufle Axmed Xuseen Muuse (mijir) oo ka waramay xaalada degmada yufleiyo degaamada hoosyimaada isagoo dhiniciisana ugu baaqay xukuumada iyo haayadaha samafalkba in ay waxka qabtaan baahiyaha ka jira degaanka sida biyaha, caafimaadka iyo ka faaiidaysiga khayraadka xabkaha iyo faleenka ee degmadu hodanka ku tahay
Suuldaan Cali Yuusuf Badda Cas, Boqor Maxamed nuux Aadan , cuqaal iyo guurti aad u tiro badan oo dhamaantoodba halkaasi ka hadlay ayaa iyaguna xusay sida ay u taageersan yihiin mowqifka iyo go;aamada ka soo baxay kulankii bulshada degaanka Yufle uga socday tuulada garbo.
Waxaa kaloo madaxdii dhaqanka gobolka sanaag ee shirkaasi ka hadlay ay dhamaantoodba halkaasi ka cadeeyeen sida ay xukuumada ugu barbartaagan yihiin daahfurka khayraadka dalka ee xukuumadu ka wado degaanada khayraadku ku duugan yahay
Gebegabadii kulankaana waxaa halkaasi hadaladii xidhitaanka kulankan ka soo jeediyey Boqor Maxamed Boqor Axmed isagoo halkaasi mahadnaq iyo dardaaaranba ku siiyey dhamaanba intii ka soo qaybgashay kulankaasi.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Qodobada12.mp3″]
Ceerigaabo SDN.
Qurbejoog.com
