Fadeexadii ugu Xumeed ee Abid soo Marta Xafiiska Wakiilka Somaliland ee UK iyo Ururka SSUK oo Dul Hogeneysa.
Waxaanu helney nuqul ka mid ah nuquladii ay isku direyeen wakiilka Somaliland ee uk mudane cali adan cawaale iyo Gudidii abaabuleysey xafladii 18/may/13 iyagoo daaha saraya kharashkii soo xarodey iyo inta la hayo., iyaga oo aan marnaba sheegeyn sida ay lacagtii u baxdey doonayana in duuduub sheekada lagu xidho ,waxaan kale oo aanu soo bandhigeynaa video aad iyo aad u layaab badan oo ku tusaya lacagtii soo xarootey intey aheed iyo sida loo musuqey,waxaan kale oo aanu idiin hayna Emailadii ay isku dirayeen wakiilka Somaliland ee uk iyo cabdale saalim oo sheeganaya ururka ssuk sidii ay lacagta u kala qaateen iyo intey aheed oo dhan.
Nala eega nugulka mid ka mid ah Emailada laysku dirayey.
——– Original message ——–
Date: Thu, 6 Jun 2013 23:09:33 +0100
Subject: Axadda aynu kulan muhiim ah isugu nimaadno
Asalamu Caleykum dhammaan guddiga qabaqaabada 18 May,
Walaalayaal waxaynu qabannay hawl baaxad leh oo qiimo badan, waqti iyo maal badanina innaga galay, waxaynu u adeegaynay dadkeenna iyo dalkeenna aadna waan ugu mahad naqayaa guddigan qiimaha leh. Waxaana muhiim ah inaynu hawshaa si fiican uga faraxalanno oo meel ugu tiirinno.
Waxa laga yaabaa inaad maanta ku aragteen qaar kamid ah website-yada warar fool xun oo laynagu durayo, waxa muhiim ah inaynu wararkaa si deggen isula eegno sidaynu uga jawaab celin lahayn. Markaa waxan soo jeedinayaa inaynu isugu nimaad kulan aynu u dhannahay maalinta Axadda (9/6/13) 3pm. Goobtuna waxan jecelahay inay noqoto NADI PARK ROYAL oo aan inoogu dooray iyadoo ku taal meel dhexdhexaad u dhow.
Ammaana ALLA,
Wakiilka SL UK
Ali Adan Awaale
ACWW Dhamaantiin Hawl aad u culus ayeynu u soo qabanay dadkeenii iyo dalkeeniiba. Aad baan uga xumahay arintii inay ilaa iyo hada ay socoto oon xala loo helin. Hadaad arintan cakiran laba dhinac ba aad ka eegtid. Waa dhinaca koobaade, dhinaca dhaliyarada waxay dareemayaan in aydun balankii aad jebiseen, waa marka ugu horeysa lacagtu in ay taalo meel DHEXE se taasi may dhicin, waa mida kale intii miitinada lagu jirey lamay socon go'aamada expenseskii hawsha suura gali lahaa, ugu danbayntii waxa kaliya oy filayeen in lacagta soo baxaysa uun laga goynayo £8000, laakiin £22000 iyo wax la jira ayaa £7700 ka soo hadhayaa marnaba wax ay filayeen may ahayn, taasina waa aragtidooda. Waa ta labaad waxaad idinku gudi ahaan u aragteen ood go'aan ku gaadheen in wixii soo hadhay aad TV keentaan ood wax eedaba iska fogeysaan, go'aankaa si marka aad u eegtid waa sax, lakiin runtii ceebtii aydun ka ordeyseen ayaa hada jirta. Qofku waa in uu allah wajigii taladiisu ahaato, se taladiinu waxay ku dhisneyd dadka qanciya, balan laysku ogaa in TV la hodh fadhiistaana ma jirin. Markaa wax go'aanka inaad ilaa iyo hada lacagta aad heysaan oon ceeb ahayn uu soo kordhinayaa ma jiro. Hada iyo talo aniga dhinaceyga, dad badan oo cadaw ah ayaa idinka faa'iidaysanaya inta ay arintu sidan tahay, idinka oo xaga illahay ka eegaya, arintan soo afjara lacagta soo hadhayna ku wareejiya dhaliyarada, oo balankii laysku ogaa sameeya. Ma hadaad u aragtaan in lacagta ay dhaliyaradu lunsanayaan waa iyaga iyo casaawajalahooda se idinku ka eed li'idiin. Ma hadaad wali rabtaan in aad dadka qancisaan ood TV la hor fadhiisto, dhibaatada TVgu uu keeni karo waa in laysla fahmo, arintan dhibaatada ah waxa keliya hada og badanaa waa London laakiin hadii ay gaadho TV aduunka dhan ayaa laga ogaanayaa dhibka jira arintuna meel ka xun ayey gaadhi illahayna taa kama yeelee lacagta inaga wareejiya illahaybaan idiin markhaatiya. Wa bilaahi towfiiq Yassein kabotole.
ACW dhamaan
Walaalkay Yassein aad baad ugu mahadsantahay fikirkaagan aad nala wadaagtay ee ku salaysan lacagtii ka soo baxday 18 May iyo sidaynu u wareejin lahayn. Walaal marka hore kharashka meesha ka soo baxay muu ahayn £22,000 ee waxa soo baxay 21,355 oo waadigi inala socday marka lacagta la tirinayey. Ta kale kharashka meesha ku baxay waa mid la isla wada ogaa oo laga wada hadlay. Waxaad la socotaa in kharashka stadiumka £1000 ku biireen markii dhinaca kale la noo furay. Stage, PA system iyo micraphone baa la soo kireeyey. Banners meesha lagu qurxiyo oo shirarkeena lagu go’aamiyey baa la soo sameeyey. Fanaaniin baa lala balamay. Walaal waxaasoo comittment ah ayaa la galay iyo qaar aanan imika maskaxda ku hayn. Marka Yassein adaan ku waydiiyee walaal siduu kharashka munaasabadu u noqon karaa £8000.
Anigu shir qudha oo guddida kamaan baaqan. Intaa waxa ii dheer shirarkii lala lahaa maamulka stadiumka iyo kuwii fanaaniinta iyo mid aanu la yeelanay waftigii Somaliland inooga yimid. Kharashka shidaalka gaadhigayga anaa isku qabay oo penny lacagtaa meesha ka soo baxday aniga iyo dhamaanteen looga ma celin.
Sidaad sheegtay dad Muslim ah ayeynu nahay oo waa in aynu Ilaaay ka baqanaa. Runtii waa dhibaato iyo niyad jab inagoo og wakhtiga aynu galiney munaasabada in ay eedi inooga timaado. Midkeena ma gayo eed, mid keena ma gayo cay iyo aflagaado laakiin waad aragteen waxa webside yada lagu qoray. Walaal adiga iyo dhalinyaradu sharaf baad mudantihiin gudida inta kalena sidaa si leeg ixtiraam bay mudan yihiin. Meesha wax aan jirin haddii la abuurana mashaakil baa imanaya.
Dhalinyarada wax ba looma diidana lacag la dafirayna ma jirto. Waxa kuu cadaynaya taa in kharashkii ka soo baxay munaasabada ilaa imika la hayo.
Intaanu Ilyaas dhoofin waxaan kula heshiiney in ay lacagtii gudoomaan dhalinyaradu. Waxaan u sheegay in TVgu imandoono heshiis lacagta lagu guddoonsiinayana ay saxeexi doonaan. Ilyaas ii soo dir heshiiska buu yidhi waanan u diray. Inkastuu walaac ka muujiyey TVga aakhirkii wuu ogolaaday heshiiskana wuu aqbalay in dhalinyaradu saxeexaan. Ilyaas isagu wuu dhoofayey oo umay suurtagalin in uu shirka yimaado. Aniga laftaydu shirkaa maan iman waayo Bristol baan ku maqnaa. Shirkii loo balan sanaa inuu qabsoomo ma dhicin waayo markii la isku yimid dhalinyartii sida warku igu soo gaadhay waxay yidhaahdeen anagu heshiisna ma saxeexayno TVna ma ogolin. Sidaa darteed waa lagu kala tagay shirkii.
Walaalayaal shaydaan baa inaga dhex shaqaysanaya. Lacagtana maaha mid ay dhalinyaradu leeyihiin ee waa mid Guddida qabanqaabadoo dhan xil ka saaran waayo qof walbaaba qayb buu ka ciyaaray siddii lacagtan loo soo saaray. Waxaynu ku heshiinay in lacagtaa lagu wareejiyo dhalinyaradda oo iyana iyagoo inaga masuul ah ay ku wareejiyaan ogoomaha Somaliland. Waxan lagu wareerayna waa habka ugu quruxbadan ee aynu guddi ahaan wareejintaa u samayn lahayn laakiin cid dafirsan heshiiskii aynu galnay ma jirto. Waa dhab oo TV lagama heshiin laakiin fadeexad baa suuqii gashay sharafteena saamaynaysa ummaddana waa in la tusaa beentan la isla daba meeraysanayaa in ayna sal iyo raad lahayn. Heshiis in aynu kala saxeexanaana waa waajib oo diintaaba ina faraysa.
Hadalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa in aynu Illaahay ka baqano oo yar iyo wayn aan is ixtiraamno. Hor ilaahay baynu hawshan u galnay iyo niyadsami – Alxamullilah kumaynu khasaarin ee xaga wanaagsan aynu ka eegno arrimaha. Runtii waxaan jeclaan lahaa Yassein iyo Ilyas oo inala jooga si aynu arrinkan lacagta u soo afjarno.
Nabad iyo khayr baan idiin rajaynayaa
Maxamad Cumar Taag
Date: 2013/06/09 05:28 (GMT+00:00)
Subject: Axadda aynu kulan muhiim ah isugu nimaadno
ACWW Dhamaantiin
Hawl aad u culus ayeynu u soo qabanay dadkeenii iyo dalkeeniiba. Aad baan uga xumahay arintii inay ilaa iyo hada ay socoto oon xala loo helin. Hadaad arintan cakiran laba dhinac ba aad ka eegtid.
Waa dhinaca koobaade, dhinaca dhaliyarada waxay dareemayaan in aydun balankii aad jebiseen, waa marka ugu horeysa lacagtu in ay taalo meel DHEXE se taasi may dhicin, waa mida kale intii miitinada lagu jirey lamay socon go’aamada expenseskii hawsha suura gali lahaa, ugu danbayntii waxa kaliya oy filayeen in lacagta soo baxaysa uun laga goynayo £8000, laakiin £22000 iyo wax la jira ayaa £7700 ka soo hadhayaa marnaba wax ay filayeen may ahayn, taasina waa aragtidooda.
Waa ta labaad waxaad idinku gudi ahaan u aragteen ood go’aan ku gaadheen in wixii soo hadhay aad TV keentaan ood wax eedaba iska fogeysaan, go’aankaa si marka aad u eegtid waa sax, lakiin runtii ceebtii aydun ka ordeyseen ayaa hada jirta. Qofku waa in uu allah wajigii taladiisu ahaato, se taladiinu waxay ku dhisneyd dadka qanciya, balan laysku ogaa in TV la hodh fadhiistaana ma jirin. Markaa wax go’aanka inaad ilaa iyo hada lacagta aad heysaan oon ceeb ahayn uu soo kordhinayaa ma jiro.
Hada iyo talo aniga dhinaceyga, dad badan oo cadaw ah ayaa idinka faa’iidaysanaya inta ay arintu sidan tahay, idinka oo xaga illahay ka eegaya, arintan soo afjara lacagta soo hadhayna ku wareejiya dhaliyarada, oo balankii laysku ogaa sameeya. Ma hadaad u aragtaan in lacagta ay dhaliyaradu lunsanayaan waa iyaga iyo casaawajalahooda se idinku ka eed li’idiin. Ma hadaad wali rabtaan in aad dadka qancisaan ood TV la hor fadhiisto, dhibaatada TVgu uu keeni karo waa in laysla fahmo, arintan dhibaatada ah waxa keliya hada og badanaa waa London laakiin hadii ay gaadho TV aduunka dhan ayaa laga ogaanayaa dhibka jira arintuna meel ka xun ayey gaadhi illahayna taa kama yeelee lacagta inaga wareejiya illahaybaan idiin markhaatiya.
Wa bilaahi towfiiq
Yassein kabotole.
ACW Walaalkay Yassein aad baad ugu mahadsantahay fikirkaagan aad nala wadaagtay ee ku salaysan lacagtii ka soo baxday 18 May iyo sidaynu u wareejin lahayn. Walaal marka hore kharashka meesha ka soo baxay muu ahayn £22,000 ee waxa soo baxay 21,355 oo waadigi inala socday marka lacagta la tirinayey. Ta kale kharashka meesha ku baxay waa mid la isla wada ogaa oo laga wada hadlay. Waxaad la socotaa in kharashka stadiumka £1000 ku biireen markii dhinaca kale la noo furay. Stage, PA system iyo micraphone baa la soo kireeyey. Banners meesha lagu qurxiyo oo shirarkeena lagu go'aamiyey baa la soo sameeyey. Fanaaniin baa lala balamay. Walaal waxaasoo comittment ah ayaa la galay iyo qaar aanan imika maskaxda ku hayn. Marka Yassein adaan ku waydiiyee walaal siduu kharashka munaasabadu u noqon karaa £8000. Anigu shir qudha oo guddida kamaan baaqan. Intaa waxa ii dheer shirarkii lala lahaa maamulka stadiumka iyo kuwii fanaaniinta iyo mid aanu la yeelanay waftigii Somaliland inooga yimid. Kharashka shidaalka gaadhigayga anaa isku qabay oo penny lacagtaa meesha ka soo baxday aniga iyo dhamaanteen looga ma celin. Sidaad sheegtay dad Muslim ah ayeynu nahay oo waa in aynu Ilaaay ka baqanaa. Runtii waa dhibaato iyo niyad jab inagoo og wakhtiga aynu galiney munaasabada in ay eedi inooga timaado. Midkeena ma gayo eed, mid keena ma gayo cay iyo aflagaado laakiin waad aragteen waxa webside yada lagu qoray. Walaal adiga iyo dhalinyaradu sharaf baad mudantihiin gudida inta kalena sidaa si leeg ixtiraam bay mudan yihiin. Meesha wax aan jirin haddii la abuurana mashaakil baa imanaya. Dhalinyarada wax ba looma diidana lacag la dafirayna ma jirto. Waxa kuu cadaynaya taa in kharashkii ka soo baxay munaasabada ilaa imika la hayo. Intaanu Ilyaas dhoofin waxaan kula heshiiney in ay lacagtii gudoomaan dhalinyaradu. Waxaan u sheegay in TVgu imandoono heshiis lacagta lagu guddoonsiinayana ay saxeexi doonaan. Ilyaas ii soo dir heshiiska buu yidhi waanan u diray. Inkastuu walaac ka muujiyey TVga aakhirkii wuu ogolaaday heshiiskana wuu aqbalay in dhalinyaradu saxeexaan. Ilyaas isagu wuu dhoofayey oo umay suurtagalin in uu shirka yimaado. Aniga laftaydu shirkaa maan iman waayo Bristol baan ku maqnaa. Shirkii loo balan sanaa inuu qabsoomo ma dhicin waayo markii la isku yimid dhalinyartii sida warku igu soo gaadhay waxay yidhaahdeen anagu heshiisna ma saxeexayno TVna ma ogolin. Sidaa darteed waa lagu kala tagay shirkii.
Walaalayaal shaydaan baa inaga dhex shaqaysanaya. Lacagtana maaha mid ay dhalinyaradu leeyihiin ee waa mid Guddida qabanqaabadoo dhan xil ka saaran waayo qof walbaaba qayb buu ka ciyaaray siddii lacagtan loo soo saaray. Waxaynu ku heshiinay in lacagtaa lagu wareejiyo dhalinyaradda oo iyana iyagoo inaga masuul ah ay ku wareejiyaan ogoomaha Somaliland. Waxan lagu wareerayna waa habka ugu quruxbadan ee aynu guddi ahaan wareejintaa u samayn lahayn laakiin cid dafirsan heshiiskii aynu galnay ma jirto. Waa dhab oo TV lagama heshiin laakiin fadeexad baa suuqii gashay sharafteena saamaynaysa ummaddana waa in la tusaa beentan la isla daba meeraysanayaa in ayna sal iyo raad lahayn. Heshiis in aynu kala saxeexanaana waa waajib oo diintaaba ina faraysa. Hadalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa in aynu Illaahay ka baqano oo yar iyo wayn aan is ixtiraamno. Hor ilaahay baynu hawshan u galnay iyo niyadsami - Alxamullilah kumaynu khasaarin ee xaga wanaagsan aynu ka eegno arrimaha. Runtii waxaan jeclaan lahaa Yassein iyo Ilyas oo inala jooga si aynu arrinkan lacagta u soo afjarno. Nabad iyo khayr baan idiin rajaynayaa. Maxamad Cumar Taag
LA SOCO QEYBTA 2 OO XOG DHEERAAD AH AYDINKA HEYNO
Wariye
Cabdiqaadir Jilaani LOndon
