Muqdisho June 14,2013(SDN)-Waxa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u Naxariistee wariye Xasan Ismaciil Kuuriya oo ka hawlgeli jiray Shebekada Hadhwanaag iyo Iddaacada Golis ee magaalada Toronto.
Xasan Kuuriya ayaa mudaba waxa uu waraka isku soo dhaweynaya Somaliland iyo Soomaaliya u soo gudbinayay Akhirteyaasha xiiseeyay wararka Soomaalida.
Xasan Ismaciil Kuuriya ayaa maanta oo Jimce ah waxa uu ku geeriyooday Magaalada Muqdisho oo uu ka hawlgeli jiray.
Bahda saxaafada ee Soomaalida ayaa geeridan naxdinta leh ku tilmaamay mid saameyn weyn ku yeelan doonta habka saxaafada labada wadan ay uga wada hawlgalaan wararka Soomaalida.
Waxa qurbejoog.com iyo somalidiasporanews.com soo gaarayay saacadihii u danbeeyay dhanbaalyo tacsi ah oo ay soo gaarsiinayeen akhristeyaasha,suxuufiyiinta iyoqeybaha kala ee Bulshada oo si murugo leh uga tacsiyadeynayay geerida ku timi Xasan Ismaciil Kuuriya maanta.
Waxa aanu eebe SWT uga baryeynaa in marxuuka janadii fardoosa ka waraabiyoinagana gidigeen uu samir iyo iimaan inaga siiyo.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
