Hargaysa 15.June (SDN) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta Sheegay inuu ku taageersan yahay Xukuumada Go’aankii ay ku diiday in Somaliland laga furin Xafiiska Siyaasada ee UNSOM .
Gudoomiyaha ayaa hadalkan ka Jeediyay Munaasibad loo sameeyay qalin jabinayeen 403 arday oo ka baxay Kuliyada SIDAM College oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Hargeisa .
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid waxa uu Sheegay in Ergayga Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somalia uu yahay Shakhsi loo soo diray arrimaha Somalia iyo dib u heshiisiinteeda .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/FAYSAL15.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
