Uncategorized

Somaliland oo Maanta uu ka bilaabmay Ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha

Hargaysa 15.June (SDN) Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed Xoog ayaa maanta si rasmi ah u furay Ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha oo Socon doona Mudo afar Cisho ah.

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Huteel Maansoor oo ay ka soo qayb galeen Madax ka tirsan Hay’adaha WHO iyo UNICEF iyo Saraakiisha Wasaarada Caafimaadka ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Cabdi Axmed Nuur waxaanu ka waramay tirada hawl wadeenada ka qayb qaadanaya Ololahan iyo waajibaadka ka saaran inay si hufan u soo gutaan hawl galkan.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed Xoog ayaa tilmaamay baahida loo qabo in si haboon loo soo fuliyo hawl galkan isagoo Xusay in Cudurka dabaysha lagu arkay  wadamo Somaliland la jaar ah sida Yemen iyo Somalia waxa uu wasiirku ku adkeeyay inay albaab kasta garaacaan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay saraakiil ka socotay Hay’adaha ay wada Shaqaynta leeyihiin Wasaarada Caafimaadka.

Talaalkan ayaa looga gol leeyahay ka hor taga Cudurka dabaysha oo Mudo lix sano ah aan lagu arag Somaliland kaas oo si rasmi ah maanta uga bilaabmay Gobolada iyo degmooyinka .

Geesta Kale Wararka naga soo Gaadhaya Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ayaaa Sheegaya inuu Ololaha talaalku si habsami leh uga bilaabay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com