Uncategorized

Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka oo Sheegay inay daba gal ku Samaynayaan Wixii Qandaraasyo ah ee aan la soo Ogaysiin

Hargaysa 22.July (SDN) Gudoomiyaha Guddiga  Qandaraasyada Qaranka Mud,Aadan C/llahi Xasan, ayaa maanta ka war-bixiyey waxyaalihii u qabsoomay Guddiga  Lixdii bilood ee sanadkan.

Gudoomiyaha Guddiga Qandaraasyadu waxa uu sheegay in ay ka hawl-galaan dhamaan Goboladda dalka, isaga oo sheegay in hawsha ugu weyn ee gudigu tahay in ay maamusho wixii ay xukuumadu Iibsanayso iyo Qansdaraas ku bixinta dhismayaasha dawladu dhisanayso.

Gudoomiyaha Guddiga Qandaraasyada  Mudane, Aadan C/llahi xasan, waxa kale oo uu sheegay, in ay ku hawlan yihiin sidii qorshe loogu dejin lahaa  Is-karaabka  dalka,si  loo mariyo nidaamka sharciga ah.

Waxa kale oo uu xusay in hawlaha shaqo qaarkood ay  wada tashi ka leeyihiin  Wasaarada Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga ee somaliland.waxaana uu  sheegay in wixii qandaraas ah ee  aan ogayn ee la bixiyo inay daba gal  ku sameeyaan, si loogu soo dabaalo ayuu yidhi Gudoomiyuhu   hanaankii sharci ee  loo  dejiyay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com