Uncategorized

Wasiirka Warfaafinta oo u Soo Jeediyay Telefishanada dalka ka hawl gala inay Ilaaliyaan Sharciyada Wadanka

Hargaysa 22.July (SDN) Wasiirka wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo Wacyigelinta Mud, Cabdillahi Maxamed Daahir (cukuse) ayaa maanta  kulan kula yeeshay xafiiskiisa  Madaxda  Telefishanada gaarka loo leeyahay  ee dalka ka howl-gala.

WasiirkaWarfaafinta Mudane, cabdillahi Maxameed Daahir, ayaa  kala hadlay masuuliyiintaas sidii ay  u waafajin lahaayeen waxa ay  bulshada u baahinayaan  shuruucda dalka  u taala isla markaasina ay ka  feejignaadaan  wixii wax u dhimaya amaanka., Diinta iyo Dhaqanka.

Wasiirku waxa uu intaa raaciyey in xukuumad ahaan ay  ku taageerayaan warbaahinta gaarka loo leeyahay ee telefishanadu ka mid yihiin shaqadooda, balse  iyana dhinacooda looga baahan yahay inay tixgeliyaan qawaaniinta dalku leeyahay.

Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay in aanay dalka ka hawl-geli Karin warbaahin aan ka sharciyeysnayn dalka,ruqsadna aan ka haysan hay’adaha ku shaqada leh.

Madaxda  telefishanada gaarka ah ee ka hawlgala Dalka   ee  kulanka ka qayb galay,ayaa iyana dhinacooda balan qaaday  inay ku dhaqmayaan shuruucda iyo qawaaniinta dalka kuna dadaalayaan wixii dhaliilo ah ee jira in ay saxaan.

Kulankan ayaa waxa wasiirka ku weheliyey wasiir ku xigeenka  wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta Mud,C/waaxid C/qaadir C/raxmaan iyo Agaassimaha Guud ee wasaarada Mud, C/rashiid  Jibriil Yuusuf.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com