Hargaysa 22.July (SDN) Gudoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Mud,Aadan C/llahi Xasan, ayaa maanta ka war-bixiyey waxyaalihii u qabsoomay Guddiga Lixdii bilood ee sanadkan.
Gudoomiyaha Guddiga Qandaraasyadu waxa uu sheegay in ay ka hawl-galaan dhamaan Goboladda dalka, isaga oo sheegay in hawsha ugu weyn ee gudigu tahay in ay maamusho wixii ay xukuumadu Iibsanayso iyo Qansdaraas ku bixinta dhismayaasha dawladu dhisanayso.
Gudoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Mudane, Aadan C/llahi xasan, waxa kale oo uu sheegay, in ay ku hawlan yihiin sidii qorshe loogu dejin lahaa Is-karaabka dalka,si loo mariyo nidaamka sharciga ah.
Waxa kale oo uu xusay in hawlaha shaqo qaarkood ay wada tashi ka leeyihiin Wasaarada Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga ee somaliland.waxaana uu sheegay in wixii qandaraas ah ee aan ogayn ee la bixiyo inay daba gal ku sameeyaan, si loogu soo dabaalo ayuu yidhi Gudoomiyuhu hanaankii sharci ee loo dejiyay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
