Bergant:Feb,05,2015(SDN/QJ)-Fiidkii hore ee xalay Saacadda Geeska Afrika, ayaa Gudaha dalka Norway waxa uu Aabe Soomaaliyeed qudha kaga jaray Xaaskiisii oo lix carruur ah u haysay.
Dilkan, ayaa waxa uu ka Dhacay Magaalada Bergan, waxana Hooyada Geeriyootay da’deeda lagu sheegay 39-jirkaas dalkaas degenayd muddo, carruurna ku dhashay,iyadoo carruurteeda midka ugu weyn da’diisa lagu sheegay 18-jir.
Waxyar kadib ayaa Booliisku waxa ay ka warheleen ninkii qabay haweenaydaasi oo iskiis isku geeyay xabsi ku yaala Brgen,isla markaana ka wargaliyay dhacdadaasi.
Ninkani haweenaydaasi qabay oo da,diisa lagu sheegay 41-jir Soomaali-Norwejian ah ayaa isla markiiba qirtay dilka xaaskiisa,waxayna Booliisku sheegeen in uu Xabsiga wayn iskiis isku geeyay isagoo wata boorso uu sahaydiisa ku wato.
Booliiska oo warbxin kooban kaga hadlaya dhagartaasi ayaa sheegay in caruurtii dhamaan ay la wareegtay hay,ada daryeelka caruurta isla markaana Booliisku suaalo waydiinayaan aabahaasi Soomaaliyeed ee khasaaraha gaystay.
SDN/QJ
