Uncategorized

Ismaaciil Buubaa Oo Farta Ku Fiiqay Halka Laga Haysta Horumarka Soomaaliya

Muqdisho:Feb,05,2015(SDN/QJ)-Ismacil Hurre Buubaa oo ah Siyaasi ruugcaddaa ah, isla-markaana Xilal wasiirnimo kasoo qabtay Xukuumadihii kala duwanaa ee Somalia, ayaa sheegay in Caalamka ay Go’an tahay inay soomalia wax la qabtaan, balse dhinaca Soomaalida ay waxba ka hagaagi la’yihin.

ismaaciil buubaaWaxaa uu shaaca ka qaaday in Inta laga Xallinayo Dhibaatooyinka Gudaha ah aanay Waxba Socon Karin, Lagana Doonayo Soomaalida in ay Iyagu wax isu Ogolaadaan.

Buubaa, waxaa uu Carrabka ku Adkeeyay in aanay Soomaaliya Taageerada Caalamka Heli karin Hadii aanay Wax isu Ogolaan oo aanay ka Tanasulin Qorshaha Kaligii Cunenimada ah ee ay caanka ku yihiin.

“Hadda Haaneedkii Dowladnimadu waa uu Muuqdaa, waxaase meesha ka Maqan Habkii isku Dubaridnaa ee Dadku Nagu Aamini lahaa, waxaa Jira in Dal Hadii uu ka dhisanyahay Dhinacyada Dastuurka, Garsoorka iyo Amaanka uu yahay Dal la’aamini karo, Hadii kalena aan Cidina Aamini Kareyn, Hadda Somalia Dhanka Amaanka waa ay Diyaarisay inta Badan Dastuurkii iyo Caddaaladiina waa lagu Howlanyahay” ayuu yidhi Mudane Buubaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com