Hargeysa:19-Sep-2013(SDN)-Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw dhaw wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland, waxa jita nidaam hoosta laga wado oo lagu xidh-xidhayo madaxda madasha wada-tashiga iyo Toosinta qaranka.
Qorshahan ayaa la sheegayaa inuu gacanta ku hayo wasiir-ku-xigeenka amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor, waxana haatan socda sida warka aanu ku helnay ka baaraan-degga qorshe kooban oo lagu soo xidhay kooxda loo arkay inay far dheeraatay ku yihiin Nabadda iyo deggenaanshaha waddanka.
Wasiirk Cabdilaahi Abokor ayaa la sheegayaa inuu qabo amar sare oo loogu sheegay inuu kooxdan intooda badan xabsiga u dhaadhiciyo, islamarkaana diyaariyo hab qarsoon oo lagu qabanayo, waxana sidoo kale loo sheegay inuu hawl geliyo Kooxo sirdoon ah oo dabagal ku sameeya ragga la doonayo in la xidhxidho.
Maalintii shalay markii kooxda Madasha wada-tashigu shirka ku lahaayeen Hutel Xaraf ee Magaalada Hargeysa, waxa Huteelka lagu arkayey ciidan badan oo Dharcad ah oo xuuraan ka waday Goobahan saxaafadda lagula hadlayey, waxana taasi caddayn u tahay in dabagal lagu hayo kooxdan.
Shirqoolka lagu qabanayo kooxdan, ayaa waxa mar kale dab ku sii shiday hadalkii xanafta badnaa ee ay maalintii shalay ku dureen Hoggaaminta iyo shaksiyadda madaxweyne Siilaanyo, waxana ay taasi keentay in si gaar ah loo calaamadiyo rag ka mid ah oo la islagartay in Jeelka mar lagu hubsado.
Ragga sida weyn la isula meel dhigay in la xidho ayaa waxa ugu horreeya Mujaahid Xasan Guure Jaamac, mujaahid dhegoweyne, iyo mujaahd Maxamed Xaashi, waxana la doonayaa in mar qudha si hoose loo qabto loona dhaadhiciyo jeelka mandheera ama meel ka shishaysa.
Ma aha wax fudud in raggan la xidhaa, waxana ay haatan haystaan Taageerada bulsho badan oo reer Somaliland ah, hase yeeshee xukuumadda ayaan haba yaraatee wax dulqaad ah u haynin dhaliisha ay inta badan ku hilgaadaan, waxana ay doorbidaysaa inay jeelasha ku biiliso.
Somalidiasporanews.ocm
Contact@somalidiasporanews.com
