|

Akhri Sababaha Keenay In Wasiir Samaale Laga Tukhaantukhiyo Wasaaraddii Maaliyadda Ee Ka Hor Doobyi Jirey Muddada Dheer

Hargeysa:Feb,28,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xalay Seeftiisa afka daran ku qaaday Wasiirkiisii Maaliyadda oo uu  hore ugala soo dhexbaxay Golaha Baarlamaanka oo ay saaxiibnimo badani ka dhaxaysay, waxana uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada oo laga wareejiyey Wasiir Samsam Cabdi Aadan.

degxcMadaxweyne Siilaanyo ooh ore Samaale ugu soo daray Golaha Wasiirrada, ayaa  qaatay Go’aan adag oo uu kaga beddelayo wasaaradda Maaliyadda oo uu muddo soo maamulayey, isla-markaana uu ugu sedburiyey Xubno badan badan oo qoyska Madaxtooyada iyo asxaabtooda kamid ah, waxana jira cadaadisyo keenay inuu Madaxweynuhu qaato Go’aankan.

Xogaha ay helayso Qurbejoog.com, ayaa waxa ay xaqiijinayaan inuu madaxweyne Siilaanyo caydhinta Samaale iskaga qabooninayo mawjado mucaaradad ah oo kaga imanayey Beelaha kamid ah kuwa dalka deggen, waxana uu si toos ugu ugu dejiyey  wasiir samaale lagu diidanaa oo muddo soo  gaadhayey madaxtooyada.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegayaa inay sababta ugu weyn ee xilka qaadista samaale uu ugu dhiirraday ay tahay inuu ku raalligelinayo Shacabka Reer Awdal oo iyagu samaale ka muujiyey cabasho badan oo la xidhiidha caddaalad-darro ay ka sheegteen, waxana uu  arrintaas jawaab cad ugu dhigay cabashadii odayaasha reer Awdal oo arrintaas ku adkaystay.

Sidoo kale waxa la sheegayaa inay madaxweynaha soo gaadheen Cabashooyin  kale o tiro badan oo la xidhiidha caddaalad-darrada Beelaha somaliland qaarkood ka sheegteen Wasiir Samaale, kuwaas oo madaxweynaha dhegihiisa ay soo gaadhsiiyeen odayaal iyo waxgarad badan oo ku nool deegaano kala duwan oo dalka ah.

Cabashooyinka madaxweynaha soo gaadhayey, ayaa waxa wehelinaya talooyin saaxiibo badani siiyeen oo salka ku hayey in wasiir samaale ku hawllan yahay olole isaga ka dhan ah, isla-markaana  maaliyaddii dalka u siticmaalayo Munaasibado iyo xaflado musharraxnimadiisa la xidhiidha oo uu qabsanayey, kuwaas oo  hantidii umadda lagu burburiyey.

Sidoo kale Marwada Madaxweynaha, ayaa la sheegayaa inay Wasiir Samaale kaga cabatay Hadallo loollan ah oo uu inta badan warbaahinta Mariyo iyo tartan  uu kula jiro madaxweynaha oo dibadda u soo baxay xilli madaxweyne Siilaanyo aanu wali xilkii ka degen, isla-markana u taagan yahay muddo kale oo cusub.

Wasiir Samaale, ayaa la sheegayaa inuu ka gaws adaygay Xilka Wasaaradda Waxbarashada markii loo soo bandhigay, waxana uu si adag ku ogolaaday inuu qabto xilkaas oo aanu shakhsi ahaan ku qanacsanayn, maadaama aanu marnaba filaynin in xilka-qaadis lagu sameeyo.

Inkastoo muddo-xiledda madaxweynaha ay ka hadhsan tahay wax kayar afar bilood haddana waxa uu sameeyey isku shaandhayn ballaadhan, isagoo kaliya xilkii ka qaaday laba wasiir, waxana aan la garaynin  sida ay waxtar u yeelan doonto isku shaandhayntan ku eg kaliya dhinaca wasiir ku xigeenada.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed