|

Xawaaladaha Somalida Ee Maraykanka Oo Dib Loo Furay Iyo Shuruudaha Lagu xidhayo Lacagaha ay Xawilayaan

Washinton:Feb,28,2015(SDN/QJ)-Xawaalada Somalidu ku leedahay Dalka Maraykanka, ayaa maalinta berri ah dib loo furayaa, kadib wada-hadallo lagu guulaystay oo lala qaatay Hay’adaha arrintaas shaqada ku leh.

reemKulan dhexmaray masuuliyiin ka socotay Bangiyada Mareykan iyo Guddiga Soomaalida u qaabilsan Xawaaladaha, ayaa lagu go’aamiyay in la diro lacago yar yar oo Biilasha ah, maadaama dad badan oo Soomaaliyeed oo wadanka ku nool ay Biishaan lacagaha dalkaasi laga soo diro.

Cabdi Casiis Sugule, oo ka mid ah Guddiga Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in Berito laga bilaabo ay shaqeynayaan Xawaaladaha Soomaalida oo lacagta Biilasha ah la heli doono.

Waxa uu sheegay in ay jiraan Xawaalado Akoono ku leh Bangiyo yar yar oo dalka Mareykanka ku yaalo oo weli shaqooyinkooda wata, balse hadii xaalada sidaan ay ku sii socoto oo Dowladda Mareykanka ay arintaan wax ka qaban weysay si toos ah ay u xirmayaan Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka.

Maalintii Khamiista Magaalada Muqdisho, waxaa ka dhacay banaanbax ballaadhan oo ay dhigeen dad Soomaaliyeed oo dareen ka muujinaayay in Akoonadii Xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka ay ku lahaayeen Bangiyada in la xiro, waxa ayna sheegeen in taasi saameyn weyn ay ku yeelanayso.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hore arintaan walaac uga muujiyay, maadaama nolosha kumanaan Soomaali ah ay ku xidhan tahay dhaqaalaha looga soo diro dalka Mareykanka.

Jaaliyada Soomaalida ee dalka Mareykanka, ayaa dadaal dheeri ah ku bixiyay sidii loo furi lahaa xawaaladaha Soomaalida ee dalka Mareykanka.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed