Uncategorized

Aqalka Senate-ka Mareykanka oo ku guuleystay ansixinta qorshe dib loogu furayo adeegyada dawladeed

Washington Oct 17,2013(SDN)-Aqalka Senate-ka ee dalka Mareykanaka ayaa xalay fiidkii meel mariyay qorshe adeegii dawladeed dib loogu soo celiyo isle markaana koror loogu sameynayo xadadkii aamaahaha ee dawlada dalkaasi.

Qorshahan cusub oo axsaabta dalkaasi ay si wada jir ah u qorshahan cusub u soo dhaweeyay isla markaana sheegay in isla beriba la dhaqangelin doono.

Xildhibaanada xisbiga Republican-ka ayaa waxa soo wejahay guuldaro tii u xumeyd ebid ka dib kolkii ay u suurtogeli weyday in ay is-hortaaagaan dhaqangelinta qorshaha caafimaad ee Obaamacare.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in kolka la ansixiyo shuruucda miisaniyaded ee dalka uu isna si dhaqso ah u sexeexi doono una meel marin doono.

Qorshahan cusub ayaa u saamaxaya in dawlada ay dib u bilaawdo adeegyadii dawladeed ilaa bisha kowaad ee sanadka ina haya,halka aamaahaha loo fasaxi doono dawlada ilaa bartamaha bisha labaad ee sanadka cusub.

Tirokoobyadii u danbeeyay ee laga qaaday codbixiyeyaasha dalka Mareykanka ayaa muujinaya in xisbiga Republican-ka caada inteeda badani ay ku dhacday.

Xanibaada adeegyada dawladeed iyo in ay ka dhego adeegaan in ay dawlada u ogolaadaan in ay amaahato lacagaha ay u baahan tahay ayaa caro weyni ka dhalatay.

Tiro koobyadu waxa ay tibaaxayaan in mudeneyaasha xisbiga Republican-ku ay badi kuraastooda waayi lahaayeen hadii berito la qabto doorashooyinka Baarlamaanka Mareykanka.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com