|

Arday Xirfado kala duwan dhamaystay oo Shahaadooyin iyo Lacag Hargaysa lagu Gudoonsiiyay

Hargaysa 30.June (SDN) Wasiirka  Shaqada Iyo Arimaha Bulashada Maxamud Axmed Bare Garaad  ayaa Maanta Shahaadoyin iyo Qalabkii ay Ku Shaqaysan Lahaayeen  iyo Qadar Lacag ah Gudoonsiiyay  24 arday oo Bartay Xirfadao kala Duwan

Afar Iyo Labaatan Kan Arday oo iskugu jira Wiilal iyo Gabdho ayaa waxa waxbaratay Hayada Wadaniga ah ee GAVO.

ugu horeyn waxa halkaa ka hadlay Agaasimaha Hayada Wadaniga ah Ee Gaavo Axmed Cumar Xirsi waxanu sheegay in ay dhalin yaradan ay tababarayeen mudo lix bilood ah isla markaana ay barteen xirfado iskugu jira laydhka iyo qurxinta dumarka iyadoo maanta la gudoonsiin doono qalabkii ay ku shaqayn lahayeen iyo qadar lacag ah oo dhan 500 dollara qofkiiba si ay dhalinyaradu ugu shaqo tagaan waxanu sheegay inaanay intaa kagag hadhay ee ay ka caawin doonaan  dhalinyaradani sidii ay shaqo u heli lahaayeen  waxanan mashruucan ka caawisay Hayda DRC iyo Midawga Yurub Qaybteeda Bila aadanimada  Waxanu Intaa Ku Daray in Mashruucani Wax Wayn ka Tari Doono Shaqo Abuurista Dhalinyarada somaliland

waxa isna Goobtaas Ka Hadlay Wasiirka wasaarada shaqada Iyo Arimaha Bulshada Md Maxamuud Axmed Bare Garaad Isagoo Xusay inay tahay markii ugu horeysay ee  uu arko dhalinytaro baratay xirfada  farsamada gacanta oo shahaado la gudonsiinayo iyo waliba lacagtii ay ku shaqaysan lahaayeen

waxanu sheegay inay arintani waxbadan ka tarayso shaq abuurista dhalinyarada reer somaliland xukuumad ahaana ay soo dhawaynayaan dugsiyada farsamada gacanta iyadoo dhawaan xukuumadu furi doonto dugsiyadii farasamada gacanta

waxanu hay’ada Gavo Ku Amaanay Mashruucan Wax Ku oolka Ah ee ay Usoo Bandhigtay DHalinyarada somaliland

Gab Gabadiina Waxa Halkaasi Ka Hadlay madax Hayada DRC ee Somaliland MD Martin  Oo Iyadu Maali Galisay Waxanau sheegay inay iyagu Maalgaliyeen Iyagoo kaashanay Midawga Yurub Qaybta binaadanimada waxanu dhalinyarada reer somaliland u soo jeediyay inay iska daayaan tahriibka xoogna wax kula soo baxaan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed