|

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Somalia oo Canbaareeyay Dagaalada Kismaayo

Muqdisho 30.June (SDN) Wakiilka gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa cambaareyay dagaalada ka socda magaalada Kismaayo,isagoo ku baqay in si deg deg ah loo joojiyo.

Wakiilka ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM inay gacan ka geeystaan joojinta dagaalada,iyaga oo difaacaya dadka shacabka ah.

“si aad ah ayaan u cambaareeyneynaa wararka sheegaya dhimashada dad rayid ah oo aan waxbo galabsan,ciidamada AMISOM mar kasta weey difaacayaan dadka tabarta yar ee ku sugan kismaayo iyo guud ahan dalka soomaaliya,dadka kismaayo iyo hogaamiyaasha waa in ay ka faa.ideeystaan nabadda ay keeneen ciidamada AMISOM”ayuu yiri Ambassador Annadif.

Ambassador Annadif  ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay si deg deg ah ku joojiyaan dagaalka kaasi oo carqaladeyna dadaalka la doonayo in lagu dajiyo dalka soomaaliya.

Ambassador Annadif  ayaa intaasi ku daray in ciidamada  AMISOM ay ka go,antahay yareeynta sameeynta uu dadka shacabka ah ku yeelan karo dagaalka,gaar ahaan bulshada u nugul,waxana uu ugu baaqay dhamaan ciidamada ku sugan deegaankaasi in ay ku daydaan.

Ambassador Mahamat Saleh  ayaa sheegay inAMISOM ay ka soo baxeeyso waajibaadkeeda,lana shaqeeyneeyso  IGAD iyo saaxiibada kale.isagoo intaasi ku daray in AMISOM ay ka go,an taageerida dadaalada socda ee dib u heshiisinta qaran iyo midnimada,iyo sidoo kale dib u dhiska ciidamada qalabka sida iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed