|

Ardayda Reer Kenya Oo Lagu Eedeeyey Inay Lacago Joogto ah Ka Qaataan Kooxda Al-shabaab

Nairobi:June,30,2015(SDN/QJ)-Ardayda wax ka barata Gudaha Waddanka Kenya, ayaa lagu eedeeyey inay lacago laaluush ah ka qaataan Kooxda Al-shabaab, iyadoo eeddaasna uu jeediyey Agaasimaha xarunta ka hortagga argagaxisada dalkaasi Kenya Isaac Ochieng.

joomMr Ochieng ayaa sheegay in ay heleen magacyada qaar ka mid ah ardayda ku biirtay Al-shabaab iyo Al-Qaeda ee mushaharka ka qaadat.

“Aad ayay u sii kordheysaa ku biirista iyo qaadashada tababarada ay bixiyaan ururada argagaxisada iyadoo weliba argagaxisadu ay ardayda firfircoon qoranayaan,”ayuu yidhi Mr Ochieng isagoo warbixin siinayay kulan ay yeesheen guddiga uu madaxda u yahay.

“Waxaan haynaa xog ah in arday wax ka barata Jaamacada University of Nairobi inay mushahar ka qaataan Al-Shabaab taasina waa mid aad laga xumaado.”ayuu sii raaciyay Ochieng.

Madaxa ka hortagga argagaxisada dalka Kenya ayaa ka digey in hay’adaha sirdoonka ay soo bandhigi doonaan ardaydaas

Warkan ka soo yeeray dowlada Kenya ayaa ku soo beegmaya bilo kadib markii arday hore ugaga baran jirey cilmiga sharciga uu noqday qofkii hogaaminayay weerarkii ay Alshabaab ku qaaday jaamacada Garissa oo lagu diley dad gaaray 148 ruux.

Mohammed Abdirahim Abdullahi oo ardayda ay isku fasalka ahaayeen ugu yeedhi jireen Ababmo ayaa ahaa wiil uu dhalay caaqilka deegaanka la yidhaahdo Bulla Jamhuri oo ka mid ah Mandera.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed