|

Sarkaal Katirsanaa Ciidamada Ethiopia Iyo Ciidan Uu Wato Oo Al-shabaab Isu Dhiibay

Afurow:June,30,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Deegaanno katirsan Gobolka Bay, sarkaal  katirsanaa Ciidamada Ethiopia ee  kamidka ah Xoogagga AMISOM, ayaa iskudhiibay  Ciidamada Al-shabaab ee Halkaas ka dagaallamaya.

African Union Mission in Somalia troops patrol after fighting against Islamist insurgents al Shabaab in MogadishuSarkaalka is dhiibay,  ayaa    la sheegayaa inay  la socdeen ugu yaraan afar askari oo kale waxana ay isku dhiibeen cutubyo shabaabka katirsan oo ku sugan deegaanka Afurow ee Gobolka Bay.

Sarkaalkan iyo ciidamada la socday, ayaa la sheegayaa inay wateen hub tiro badan, isla-markaana ay wateen hal gaadhi oo ka ciidamada ah.

Ma jiro warar dheeraad ah oo dhinacyada  is haya kasoo baxayaa, waxase la filayaa inay shabaabku dhawaan soo bandhigaan saraakiishan kusoo biirtay.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed