|

Tv-yada Madaxa Bannaan Oo Madaxtooyada Horteeda Ku Burburiyey Cajalado Hadalkii Madaxweynaha Oo Tifaftirani Ku Duubnaa Oo Loo Xambaariyey

Hargeysa:May,31,2014(SDN/QJ)-Warbaahinta Madaxa Bannaan ayaa si weyn uga cadhootay  Habkii loo  Nidaamiyey Khudbad xilligii la duubay la garan la’yahay oo uu madaxweyne Siilaanyo kaga Hadlayey Xaaladda Dalku Marayo.

cajaladaha-madaxtooyadaWarar sheegaya inuu madaxweynuhu    Taariikhda Markiisii koowaaad si toos ah saxaafadda u wajahi doono ayaa soo Ilaa iy Shalay, waxase Maanta Abaaro 2:00pm Saxaafadda looga Yeedhay Aqalka Madaxtooyada, halkaas oo TV-yada loogu Qaybiyey Cajalado CD-yo ah oo la sheegay inay ku jirto Khudbaddii  madaxweynaha oo la soo tifaftiray.

Saxaafadda ayaa dhaqankaas cusub si weyn uga  cadhootay, waxana ay Isla goobtii loogu dhiibay ku jajabiyeen Cajaladihii ay ku duubnayd Khudbadu, iyagoo waliba xubno ka mid ah saraakiisha madaxtooyadu goob-joog ahaa xilligaas.

Sababta saxaafaddu u burburisay  Cajaladaha Madaxweynaha codkiisu ku duuban yahay, ayaa waxa sabab u ahayd in warbaahinta Madaxa bannaan xaqoodii la duudsiyey oo  laga dhigtay kaliya waddo ama Biriij la  mariyo waxa lla doonayo ama qaada Farriin dhinac kaliya ah  ka raran oo ka baxsan Xayndaabka iyo xorriyadda Saxaafadda.

Saxaafadda, gaar ahaan TV-yada ayaa si buuxda isku raacay inaanay B aahin Khudbadda madaxweynaha, iyagoo ku heshiiyey in si midaysan loo wajaho wax kasta oo ka yimaadda tallaabada dhiirranaanta leh ee  ay maanta qaateen.

 

Lama garan karo inay ballantaasi midho dhali doonto iyo in kale, waxase goobta ka muuqtay inay xubnihii saxaafadda ee halkaas joogay si buuxda diyaar ugu  ahaayeen ballanta ay qaadeen.

Madaxweynaha Somaliland oo ilaa iyo Haatan muddo afar sano ah xukunka Dalka hayey, ayaan Waligii taariikhdii intii uu madaweynaha Noqday si toos ah saxaafadda u qaabilin, walise la garan maayo in taasi ay tahay mid isaga ka soo GO’day iyo in la taliyayaashiisu ay Hannaankaas u doorteen.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed