|

Asaraarka Ku Duugan Qaabkii Shirqool ee Looga Takhalusay Dhaxal Sugihii Hore ee Boqortooyadda Sucuudiga,Saxeex Qasab ah oo Laga Qaaday & Wiilkii Boqor Salmaan oo Noqday Dhaxal Sugaha Aabihihii Dhaxli Doona!!!!

New York 23. July 2017 (SDN/QJ):- Sida lagu daabacay Majaladda afka dheer ee New York Times ee Mareykanka ka soo baxda waxaa xog sir ah laga heley qaabkii xilka dhaxal sugaha boqorka loogu wareejiyey wiilka uu dhalay boqorka iminka taladda haya ee Salmaan.

Boqortooyadda Sacuudiga ayaa Mohamed Bin Salmaan ka dhigtey in uu yahay dhaxal sugaha xilka boqortooyadda dalkaasi, iyadoo xilkaasi looga qaadey dhaxalsugihii hore ee dalkaasi Mohamed Bin Nayef.

 

New York Times ayaa sheegeysa in xili habeen ah bishii hore dhaxalsugihii hore ee Mohamed Bin Nayef looga yeedhey magaaladda Makka, iyadoo la qasbayana halkaasi looga saxiixdey in uu iska casiley xilkii dhaxal suge nimadii boqortooyadda Sacuudiga oo uu isagu hayey.

 

Wargeyska oo sii hadlaaya ayaa sheegey in subixii marka uu waagu baryey uun laga war heley warka sheegay in Mohamed Bin Nayef uu xilkaasi iska casiley isla markaana loo dhiibey wiilka Boqor Salmaan ee lagu magacaabo Mohamed Bin Salman.

 

New York Times ayaa sidoo kale warbixinteedan ku xustey in Mohamed Bin Nayef cilad looga dhigey in uu yahay nin aad u isticmaala muqaadaraadka, sidaa daradeedna uusan aheyn nin ku haboon xilkaasi oo waxaa uu wargeysku sheegey in sidaa lagu qanciyey xubnihii qoyska boqortooyadda ka tirsanaa ee arintaasi ka biyo diidsanaa.

 

Subixii danbe ayaa waxaa muqaal ka soo wadda muuqdey Mohamed Bin Nayef iyo Mohamed Bin Salmaan, isagoo halkaa ka muujinaya in uu ku qancey xil ka qaadistaasi, iyadoona uu Wargeysku xusey in midaana lagu qasbey Nayef.

 

Wargeyska isagoo soo xigana xubno qoyska boqortooyada ah iyo sidoo kale saraakiil mareykan ah oo arimahaasi u dhuun daloola ayaa waxaa uu xusey in Mohamed Bin Salman uu waqti badan galiyey sidii uu Nayef meesha ugu saari lahaa, taa oo uu ugu danbeyna ku guuleystey.

Comments are closed