|

Magaalo Xeebeedka Berbera: Kuleylka Xagaaga & Hanfiga Dabaysha oo Heer Adag Maraya iyo Biyo La’aan Soo Wajahday Bulshada

Berbera 23. July 2017 (SDN/QJ):- Magaalo-Xeebeedda Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, ayaa Maalmihii u dambeeyy Cimilada Xilliga Xagaaga ee lagu guda-jiro Xaraaradda Kuleylku gaadhey meel adag, iyadoo Kuleylka sii siyaadisey Dabeysha Hanfiga ah oo maamihan si is-daba-joog ah u socotey.

Waxaanu Qiyaasta Kulaylku gaadhay 43.

Waxaanay marxaladani kusoo Beegantey Biyo la,aan heerkii ugu ba.anaa ah oo soo waajahay Guud ahaanba Magaalada kadib markii sida la sheegay ay Cilado Farsamo oo isku beeg ahi lasoo darseen Ceelasha Biyaha looga Soo Daayo Magaalada.

 

Biyo yaraantan Xoogan ee Maalmihii u Dambeeyay lasoo Darsey Magaalada Berbera ayaa kusoo beegmay Xili aaney Berberi u adkeysan karin Duruufta Biyaha maraaxilka Xagaaga adag awgeed.

 

Waxaaney Caqabad Waji gabax ah ku noqotey Maamulkii Cusbaa ee Dhawaan la Wareegay Maamulka Biyaha ka dib markii laga fara maroojiyey Maareeyihii hore iyo Maamulka D/Hoose gacan ku hayntii Biyaha Berbera oo loo Adeegsadey Awood Ciidan.

 

Illaa iyo hada majiro Xal Rasmi ah oo laga gaadhey Biyo la’aanta Culus ee Soo Waajahey Xiligan Magaalada Berbera ee Xeebta ah, waxaanay xaaladdaasi u baahan tahay inay Bulshada ku dhaqan magaaladaa Kulaylka la saaxiibka ah ee Berbera Biyo haqab la’aan ah iyo weliba Koronto Jaban oo ay Kulaylka faraha badan ka weheshadaan.

Comments are closed