|

“Meeday Madaxdii Somaliland, Waxaad Mooddaa In Dalka Dagaal Lagula Jiro”.. Prof Axmed Ismaaciil Samatar Oo Ka Digay Ciida Dahabiga Ah Somaliland Ee Dalka Jabuuti Looga Daad Gureeyo Lawyo Cado DAAWO

Hargaysa 23. July 2017 (SDN/QJ):- Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka tirsan Xisbiga talada Haye ee KULMIYE ayaa si adag uga hadlay ciida dahabiga ah ee Dalka jabuuti ka daad guraysto Dooxada Waraaboodka ee Duleedka Magaaladda Lawyo caddo,Waxa uu sheegay in markii uu dhawaan arintaasi la kulmay uu cadho darteed uu halkaasi ka noqon gaadhay,waxa uu ugu baaqay Xukuumaddu inay arintaasi deg deg uga jawaabto oo ay cadayso ujeeda Ciidaasi loo guranayo iyo waxa ay ku badelatay,waxa uu carabka ku adkeeyay inaanay wax cashuur ahi ka soo galin Xukuumadda,islamarkaana aanay sidoo kale wax shaqo ah ka helin dadka deegaanku balse ay gaadiidka ciidaasi gurtaa baabiiyeen oo kale jidkii yaraa ee marka horeba silica lagu marayay.

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo markii uu jidkaasi soo maray shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay arintaasi ayaa waxa uu yidhi “Shayga ugu horeeya ee ay idhahaygu qabtaan jidhkaygana Jidhidhico ka kiciyaa waxa weeyaan Wado Xumadda dhulka taala,Magaalada Lawyo Caddo Marbaan ka noqon gaadhnay, Waayo Waxa jira dhul ciida laga qoday oo laga qaato oo jabuuti iyo dhulkaasi la geeyo,halkaasi markaad eegto illaa magaaladda Lawyo Caddo,aad iyo aad ayaan anigu uga xumaaday,Meel lamaro maleh,Waxaad moodaa in dhulka dagaal lagula jiro,oo wadaasi baabuurtu marayeen oo si xun loogu tagrifalay,oo fuul xumadeeda iyo siday tahay aad yaabayso,runtii wax laga naxo weeyi”.

Waxa kale oo uu yidhi“Way inay jiraan Somaliland dadka madaxda u ahi arimaha Caynkaas ah inay ka warhayaan,waa laba amuurood,Mid,Ciidii oo la iska qaadanayo,oo xiitaa shaqana aan laga helayn,iska daa Cashuur iyo Dawlad wax kasoo gasho,Ta-labaad wadadii oo burburtay oo baabuurta maraysaa aanay dan ka lahayn markaa dabeecadii Degmada ay baabiinayso, dee wadankii ayaa markaa dagaal lagula jiraa dee,markaa dadkii madaxda ahaa xagay ku maqan yihiin,su’aasha dadku iswaydiiyaan ayay noqonaysaa,kuma imika taagan hanoqdaa ama kuwii hore ha noqdaan,ama kuwa soo socda hanoqdaane,ee saddexda xisbi ku jira,Ma yimaadeen dhulkan oo mar arkeen waxaasi”. Ayuu yidhi Professor ku.

Comments are closed