admin

Mucaaradka Somaliland oo ciidamo badan keensanaya dibad-baxyada

Hargeysa. 2 August, 2022. (QJ)- Deegaanada Somaliland waxa ka socda abaabulka dibad baxyo waawayn oo ay dhigayaan Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland, kuwaas oo lagaga soo hor jeedo muddo kordhin loo sameeyo madaxweyne Bixi iyo doorashada madaxtooyada oo wakhtigeeda dhaafta. Qurbejoog waxay ogaatay in mudaharaadada soo socda ay noqonayaan kuwo ka duwan mudaharaadkii dhacay bishii June horaantiisi…

Read More

Xukuumadda Muuse Biixi oo Beesha Caalamka eedayn culus u jeedisay

Hargeysa. 2 August, 2022. (QJ)- Xukuumadda Muuse Biixi ayaa eedaymo culus waxay u jeedisay Beesha Caalmka oo wada dedaalo ay ku dhex dhexaadinayso xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland, iyagoo weftiyo kala duwan usoo diray Somaliland. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub ayaa ku eedeeyay wadamada Beesha Caalamka in ay mucaaradka ku dhiiri galiyeen qas ay ka bilaabaan…

Read More

Gaboose oo weji-gabax kala kulmaya Muuse Carre iyo Maxamed Cismaan Fadal oo urur furanaya

Hargeysa. 31 July, 2022. (QJ)- Siyaasiga wayn ee Maxamed Cabdi Gaboose ayaa wajahaya weji gabax culus oo uu kala kulmayo jufada uu kasoo jeedo ee Muuse Carre oo ka tirsan beesha Garxajis, iyadoo siyaasigii labaad ee beeshaas ahi uu dhawaan Hargeysa kaga dhawaaqayo urur siyaasadeed cusub. Gaboose ayaa dhwaan furtay ururka Barwaaqo oo cadaadisyo joogto ah kala…

Read More

Taliyaha Ciidamada Badda Somaliland oo jabhad qorshaynayay ka hor intii aan la magacaabin

Hargeysa. 31 July, 2022. (QJ)- Taliyaha Ciidamada Badda Ee Somaliland ayaa qorshaynayay in uu samaysto jabhad ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi, ka hor inta aanu madaxweynaha Somaliland u magacaabin Taliyaha Ciidamada Baddda. Qurbejoog ayaa ogaatay in taliyee Axmed Hurre Haariye uu muddo badan sugayay in la dalacsiiyo maadaama oo uu leeyahay khibrad ciidan oo…

Read More

Wakhtiga diwaan-gelinta ururada siyaasadda Somaliland xidhmayaan oo la shaaciyay

Hargeysa. 31 July, 2022. (QJ)- Gudida Diwaangelinta Ururada Siyaasadda Somaliland ayaa shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee ay xidhmayso diwaan gelinta ururada siyasaddu. War maanta kasoo baxay gudida oo uu ku saxeexanyahay gudoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda & Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland ayaa lagu xusay in mudadii 45-ka maalmood ahayd ee diwaan-gelintu ay ku egtahay 10ka…

Read More

Cirro oo Addis kula kulmay madaxda ammaanka Itoobiya iyo Muuse Biixi oo loo yeedhay

Hargeysa. 30 July, 2022 (QJ)- Murashaxa madaxweynaha xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya isaga oo kulamo la leh madaxda ammaanka ee dalka Itoobiya. Qurbejoog ayaa heshay xogta safarka Cirro iyadoo martiqaad rasmi ah uu ku tagay lana kulmay madaxda ammaanka ugu saraysa. Arimaha ay ka wada hadlayaan…

Read More

Midawga Yurub oo mucaaradka u sheegay in ay Doorashada Ururada galaan

Hargeysa. 30 July, 2022 (QJ)- Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelman, ayaa u sheegtay xisbiyada mucaaradka ee Somaliland in ay galaan doorashada ururada, iyadoo u muuqata tallaabo guul u ah Madaxweynaha Somaliland. Go’aanka danjiraha Midawga Yurub ayaa sabab u noqday in ay mucaaradku shaki wayn ka muujiyaan shaqada ay hayso, waxayna dhawaan diideen kulan…

Read More

AlShabaab oo mar kale weerar xoogan ku qaaday ciidamada Liyuu Booliska Itoobiya

Muqdisho. July 29, 2022 (QJ)- Kooxda alShabaab ayaa saaka mar kale weerartay deegaanka Aato ee gobolka Bakool, halkaas oo uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu Booliiska ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in kooxda Shabaab ay saaka weerar culus oo marka hore ku bilowday madaafiic,…

Read More

“Sirdoonkii leexsanaa ee Hargeysa oo la xidhxidhay” Cabdiraxmaan Abees

Hargeysa. July 29, 2022.  (QJ)-  Dawladda Maraykanka oo saldhig milatari dawladda Somaliland ka siisay magaaladda Berbera, lana filaayo dhawaan in ay ciidamadooda keenaan Maraykanku, ayaa rabta in ay qiimayn iyo dib u eegis ku samayso ciidamada amniga Somaliland, gaar ahaan kuwa sirdoonka. Xogta ilaa hadda aanu haynaa waxa ay sheegaysa in heshiiska dawladaha Maraykanka iyo…

Read More

Xirsi iyo Cirro oo diiday in ay la kulmaan Safiirka EUda Soomaaliya

Hargeysa July 29,2022 (QJ) – Madaxda Xisbiga Mucaaridka Waddani ayaa diiday in ay la kulmaan safiirka EU da u fadhida Muqdisho oo booqasho ku timi magaalada Hargeysa. Amb. Tiina Intelmann oo kala hadleysay madaxda Somaliland khilaafka doorashooynka madaxtooyada ee uu abuuray madaxweyne Muuse Biixi, ayaan ila ahaatan waxqabadkeeda la arag. Safiirka EU da oo ugu…

Read More

Itoobiya oo sheegtay in Itoobiyaan ay ahaayeen ciidamadii alShabaab ee weeraray

Jigjiga(QJ)- Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa bixiyay wareysi uu ku faah faahiyay dagaaladii u danbeeyay ee kooxda Shabaab ku gashay gudaha dowlad deegaanka, isagoo soo hadal qaaday xogta ay bixiyeen dhaawacyada maxaabiista dagaalka lagu qabtay. Wareysi uu siiyay VOA-da, laanteeda Amxaariga ayuu Madaxweynaha ku sheegay in ragga u dagaalamayey Al-Shabaab ay badi yihiin…

Read More

Siciid Sulub oo Hargeysa ka bilaabay qafaalasho la mid ah ta wiilka Muuse Biixi

Hargeysa (QJ)- Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka bilaabay olole ugub ah oo dad badani ay qariibsadeen isla markaana ku aadan ugaadhsiga dadka aragti ahaan kasoo hor jeeda. Siciid Sulub oo kasoo ejeda beesha Garxajis ayaa xaafadda New Hargeysa oo reerkiisu ay degaan ka sameeyay dhalinyaro xiliga habeenkii jidadka u gala dadka…

Read More