admin

Wasiirka Amniga Jubbaland: Waxaan Hawl-gal Qorsheysan ku dilnay Shiikh Max’ed Dul-yadeyn

Kismaayo,1,6,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan Cabdi Nuur ayaa shaaciyay in howlgallo ay Ciidamadooda oo kaashanaya kuwa Dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaanka Buulogaduud ay ku dileen, Sheekh Maxamed Maxamuud Dul-yadeyn oo ka tirsanaa Hoggaamiyeyaasha Al-shabaab. Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay goob ay kusoo bandhigeen 4 qof oo meyd ah oo mid kamid…

Read More

AMISOM oo Muqdisho ka Furtay Xero Cusub oo lagu Tababarayo Ciidamada Somalia

Muqdisho,1,6,2016 (QJ/SDN) – Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], ayaa shalay Magaalada Muqdisho ka furay xero cusub oo lagu Tababari doono Ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Millat Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira oo Xarigga ka jaray xeradaas, ayaa ka sheegay furitaankii xeradaas in loo isitmcaali doono sidii tababar loogu siin lahaa ciidamada Somalia,…

Read More

HAY’ADDA NISA: Waxaan Toogasho ku Dilnay Madaxii Ciidamada Amniyaadka Al-shabaab

Muqdisho,1,6,2016 (QJ/SDN) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Somalia [NISA], ayaa sheegtay inay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ku dileen howlgal gaar ahaa oo ay ka ka fuliyeen deegaanka Kuunya-Barroow oo ku yaalla Xadka Gobollada Shabeellada Hoose iyo Jubadda Dhexe. Warbaahinta DF Soomaaliya ayaa baahisay in hawl-galka ay fuliyeen ciidamada Sirdoonka Somalia oo kaashanaya Ciidammo Ajaanib ah oo…

Read More

Golaha Wasiirada Wadanka Turkiga Oo Qalinka Ku Duugay In Bil Kasta Somaliya Lagu Caawiyo 2 Malyan Oo Dollar

Muqdisho,1,6,2016 (QJ/SDN) – Golaha wasiirada cusub ee dalka Turkiga  ayaa ansixiyay lacag deeq ah oo bil walba dowlada Turkiga ay siinayso Somaliya ,taasoo gaadhaysa $ 2-Milyan guud ahaanna isku darkeedu ay dhan tahay $ 24 Milyan. Wargeyska Rasmiga ee dowlada Turkiga ayaa maanta oo Talaada ah [Shalay] warkan shaaciyay wuxuuna cadeeyay in lacagahan kaalmada ah…

Read More

SOMALILAND: Guddoomiyaha KULMIYE Oo Magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad iyo Xubno Kale

Hargeysa,1,6,2016 (QJ/SDN) – Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi ayaa magacaabay guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye iyo xubno golaha dhexe ee xisbigaasi ahaa. Ku: Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere)                                          = Hargiesa = Ku: Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi)                                                = Hargiesa = Ku: Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan)                         = Hargiesa = Ku:…

Read More

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Britain oo kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho

London, 1,6,2016 (QJ/SDN) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain, Philip Hammond ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu booqasho maalin ah ku yimaado xarunta Somalia ee Muqdisho. Philip Hammond, ayaa la kulmi doona Madaxda Dowladda Soomaaliya, isagoo kala hadli doona Waqtiga kala guurka Doorashooyinka la filayo inay bisha Ogoosto ee sannadkan ka dhacaan Dalka. Sidoo…

Read More

SOMALIA: Kulankii Madasha Wadatashiga Qaran oo Galay Maalintii Afaraad iyo Qodobbo weli la isku hayo

Muqdisho,1,6,2016 (QJ/SDN) – Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa galay maalintii afaraad, waxaaana shirkan lagu waday in lagu soo gaba-gabeeyo saddex casho, balse dib u dhac ayaa ku yimid, kaddib markii la sheegay inay jiraan qodobbo weli la isku hayo. Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee Kulankan ka qaybgalaya ayaa wali isku mari la’ qaabka Muqdisho ay xubno uga…

Read More

Madaxweynaha DDSI Oo Mamnuucay Dhulka Seeraha ah iyo Dhul Daaqsimeedka La Iska Ooto

Jigjiga,1,6,2016 (QJ/SDN) – Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta soo xidhay kulanwaynihii 7aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka DDSI oo socday mudo 5 maalmood ah. kulanwaynahan oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 2kun oo shaqsi ayaa xidhitaankii kahor lagu soo bandhigay tartan faneed heesaha ah ee kaladuwan oo si live ah ay ugu…

Read More

DAAWO: Madaxweynaha Ciraaq oo Warqadihii Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Somalia ee Dalkaasi

Baqdaad,31,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Fu’aad Macsuum, ayaa ka Guddoomay Isniin shalay warqadihii aqoonsiga darjirenimo, Safiirka cusub ee Somalia uga Wakiilka noqon doona Dalka Ciraaq, Danjire Cllaahi Sheekh Maxamed Suufi oo Dhawaan loo magacaabay xilka Safiirnimo. Danjire C/llaahi Sh. Maxamed Suufi, ayaa horey u soo noqday Safiirka Somalia u fadhiyay Rwanda, ka hor intii…

Read More

Wasiirka Qorshaynta Oo Difaacay Heshiiska Dekedda

Hargeysa,31,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Cali Salaan Jirde (Cali Shoonbe), ayaa wuxuu ka hadlay heshiiskii Dekadda Berbera ee ay Xukuumadda Dawladda Imaraadka la soo gashay, waxaanu sheegay in heshiiskani aanu Dekadda oo qudha ku koobnayn ee uu siddeed qodob ka koobnaa, waxaanu jawaab kooban ka bixiyey xogaha ku saabsan heshiiska dekadda Berbera ee…

Read More

Dacwada Wargeyska Hubsad Oo Furantay Iyo Cambaaraynta Xadhiga Guddoomiyaha Foore

Hargeysa ,31,5,2016(QJ/SDN) – Waxa shalay maxkamadda gobalka Hargeysa ka bilaabantay dhagaysiga dacwadda guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeyska Hubsad Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar. Labadan saxafi ayay dawladda Somaliland ku eedaysay faafin war been abuur ah iyo daabicid wargeys aanay sharci u haysan, eedahaas oo ay labada saxafi gebi ahaanba beeniyeen. Garsooraha dacwada dhagaysanayay ayaa dacwadan…

Read More

Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Oo Dib U Dhacay Iyo Wakhtiga Cusub Ee Loo Muddeeyay Inay Dib U Furmaan

Hargeysa,31,5,2016 (QJ/SDN) – Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo mudaysnaa inay Turkiga ka qabsoomaan 30 iyo 31 May ayaa dib uga dhacay wakhtigaas loo qorsheeyay. Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in wada hadaladu dib uga dhacaan wakhtigii lagu heshiiyay inay qabsoomaan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in dib u dhaca…

Read More

SAWIRRO: Dadkii ka Dambeeyay Qaraxii Diyaarada Daallo Airline oo Xukuno kala duwan lagu riday

Muqdisho,30,5,2016 (QJ/SDN) – Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya , ayaa maanta ku dhawaaqday xukuno kala duwan oo xabsi ah oo lagu riday dad lagu helay in ay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay Diyaarada Daallo Airilne. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, gaashaanle sare Xasan Cali…

Read More

DAAWO: Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Halkuu Ku Danbeeyay Riiggii Banka Qool-cadey

Hargeysa,30,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka wasaarada xanaanda xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse  ayaa waxaa uu ka hadley xaalada Banka Qool-Cadey iyo halka uu ku danbeeyay riig halkaasi ay gaysay xukuumadiisu. Muddane Cukuse waxaa uu sheegay in xaalada banka Qool-Cadey ay hadda tahay mid  dhamaatey isla markaana si wacan looga heshiiyey qodobadii ay xukuumada iyo dadka…

Read More

Somaliland: Kooxda Kubadda Cagta Dhegooleyaasha Oo Ka Hadlay Takoor Ay Ku Samaysay Wasaaradda Ciyaaruhu

Hargeysa,30,5,2016 (QJ/SDN) – Aqoon yahanka iyo dhalinyarrada dhegoolayaasha ah ee ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa cabasho xoog leh  ka muujiyay hab-dhaqanka masuuliyiinta sar-sare ee wasaarada dhalinyarrada iyo ciyaaraha Somaliland oo ay sheegeen inaanay si wanaagsan ula macaamilin. Qaar ka mid ah Aqoonyahanka iyo dhalinyarrada dhagoolayaasha ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasaaradda ciyaaraha…

Read More