admin

SAWIRRO: Kulan Ay Caawa Soo Qaban-qaabisay Guddida Sahan-Barwaaqo Oo Laga Soo Saaray Go’aammo Lagu Dar-dargelinayo Diiwaangelinta

Hargeysa, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Kulan ballaadhan oo lagaga hadlayay sidii loo dar-dargelin lahaa diiwaangelinta Gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ayaa caawa ka qabsoomay magaalada Hargeysa, kulankaasi oo ay soo qaban-qaabisay Guddida Guud Ee Sahan-Barwaaqo. Kulan oo ahaa mid si wayn la iskugu waydaarsaday aragtiyo iyo falan-qayn ku aadan sidii loo…

Read More

Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland oo Markale Digniin u Dirtay Madax-dhaqameedka

Hargeysa, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde Isaga oo tixraacaya Wareegtadii Sumadeedu ahayd WAG/Xw/86/72/2015 kuna taariikhaysan 11/01/2015 oo kazoo baxday xafiiska wasiirka Arrima gudaha ujeedadeeduna ahayd joojinta caleemo saarka cuqaasha iyo salaadiinta soo badanaya. waxaa uu wasiirka ku wargalinayaa dhamaanba Badhasaabada Dalka Iyo Taliyaha Ciidamada Boliska JSl . in…

Read More

Wasiir Cali Warancade Oo Ciidamada Booliska, Sirdoonka Iyo Laanta Socdaalka Ku Amray In Shacabka La Waydiiyo Kaadhka Muwaadinka Iyo Ka Ajaanibka

Hargeysa, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland  mudane  Cali Maxamed Waran-cadde   ayaa manta Soo Saaray Wareegto  uu  ku  amrayo  Ciidamada Boliska , Laanta Socdaalka iyo  Sirdoonka Qaranka Somaliland . Halkan hoose ka akhriso warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiir Waran-cadde

Read More

WASHINGTON POST: NISA waxay si khasab ah ku askareysaa caruurta ka soo baxda Al-shabaab

Muqdisho , 9,5,2016(QJ/SDN) – Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray sida dhaqaalaha Maraykanka ay siiyaan Dowladda Somalia loogu adeegsado in carruurta ay basaas u noqdaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA. Warbixinta ayaa lagu xusay in sannooyin badan ay Carruurtaasi ahaayeen kuwo ay hub iyo tababar siiyeen Alshabaab,…

Read More

Xukuumada Somaliland Oo Wiish U Dalabtey Gaadhi U Lahaa Masuul Tashuush Ku Furay Diwaangalinta

Hargeysa, 9, 5,2016 (QJ/SDN) – Ciidamada booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhigay gaadhi uu leeyahay xildhibaan katirsan golaha deegaanka Hargeysa, kaas tuhun dartii loo xidhay. Sida ay sheegayaan xogo uu wargeyska Hubaal ka helay xabisaadda ciidamada ammaanku kula kaceen gaadhiga xildhibaanka, waxa baabuurka looga shakiyey inuu qayb ka qaatay babaallo ka dhan ah diiwaangelinta codbixiyayaasha magaalada…

Read More

Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Goor-dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Xarunta talista ciidanka ilaalada wadooyinka ee taraafikada ayaa ka dhacay qarax sababay qasaaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac gaari nooca raaxadda ayaa loo adeegsaday qaraxa kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee xarunta fiisho-Taraafico ee degamada Cabdi-caziiz. Sida la soo wariyay inta la ogyahay 5 ruux ayaa ku dhimatay oo u…

Read More

Somalia: Dawladda Federaalka oo lagu wareejinayo maamulka Hawada iyo Somaliland oo aan Ka Hadlin

Nairobi, 9,5,2016 (QJ/SDN) – Waxaa magalada Muqdisho xarunta dalka Somalia la gaadhsiiyay qayb kamid ah qalabka lagula socda hawada Somalia, kaasi oo laga soo qaaday dalka Kenya gaar ahaan Nairobi, waxaana la filayaa in maanta [Isniinta 9 May 2016] lagu wareejiyo wasaaradda gaadiidka. Danjiraha Somalia ee dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa tilmaamay in arrintan…

Read More

DHAGEYSO: Guddoomiyaha Guddida Wadada-Cad Cali Sanyare Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Qurbejoogta Degmada Sallaxley + Sawirro

Hargeysa, 8,5,2016 (QJ/SDN) – Guddomiyaha guddidada wadada-cad ee Hargeysa illaa ina-Guuxaa  Cali Ibraahim Maxamed [Sanyare] ayaa maanta magaalada Hargeysa hadhimo sharafeed ugu sameeyay qaar ka mid ah qurbejoogta degmada Sallaxley, isagoona Cali Sanyare uga warbixinyay socdaal uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah waddamada qaaradda America oo uu ka doonay qaadhaankii lagu dhameystiri lahaa…

Read More

Golaha Wakiilada Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Diiday Xeerka Qandaraasyada Qaranka

Hargeysa, 8,5,2016 (QJ/SDN – Golaha wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday xeerka qandaraasyada qaranka oo ay xukuumadda Somaliland u soo gudbisay. Fadhigii shalay ee golaha wakiilada oo uu shirguddoominayay guddoomiye-xigeen Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxa ka soo qayb galay 45 mudane, waxaana xeerkaas diiday 33 xildhibaan, halka ay 7 xildhibaan ogolaadeen, 4 xildhibaana ka…

Read More

SAWIRRO: Jabuuti Oo Hoos U Dhigtay Meeqaamkii Somaliland iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo La Dhex fadhiisiyay Madaxda Muumullada

Jabuuti, 8,5,2016 (QJ/SDN) – Caasimada Jabuuti   ayaa waxaa maanta lagu qabtey xaflad lagu caleemo saraayo madaxweynaha dalkaasi markii afraad loo doortey ee Ismaciil Cumar Geelle. Hadaba xafladaas ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka socotey beesha caalamka iyo Africa oo uu ka mid yahay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilanyo waxaana ay dawlada jabuuti ay hoos u …

Read More

SAWIRRO: Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweyne Geelle oo Maanta Ka dhaceysa Dalka Jabuuti

Jabuuti, 8,5,2016 (QJ/SDN) – Magaaladda Jabuuti ee Caasimada Jamuuriyadda Jabuuti waxaa gaaray Madax dhowr ah oo ka qeyb galayo caleemo saarka iyo dhaarinta Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kale ku guuleystay Madaxtinimada wadanka Jabuuti. Waxaa Jabuuti maanta ka dhici doonto xafaladda caleemo saarka madaxweynaha Jambuuti iyadda oo ay madasha wali ku sii socdaan masuuliyiin lagu…

Read More

DHAGEYSO: ‘Ma doonayo in shaqo jacaylkayga uu dalku u galo khilaaf siyasadeed iyo mid Dastuur’ Ilko-Xanaf

Muqdisho, 7,5,2016(QJ/SDN) – Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee dalka Soomaaliya, Ceydiid C/llaahi Ilka-Xanaf oo shir jaraa’id xalay ku qabtay Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegay inuusan doonayn in dartiis uu dalku qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur u galo. Avv. Ilka-Xanaf ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista Madaxweynaha, isla markaana uu diyaar u yahay inuu…

Read More

Saddex Wasiir Iyo Maareeyaha Dekedda Oo Madaxweynaha Kaga Sii Horeeya Imaaraadka

Hargeysa, 7,5,2016 (QJ/SDN) – Saddex wasiir oo kala ah wasiirada madaxtooyada Maxamuud Xaashi, arrimaha dibadda Sacad Cali Shire iyo qorshaynta Cali Salaan Jirde, oo uu weheliyo maareeyaha dekedda Berbera eng. Cali Xoor-xoor, ayaa khamiistii socdaal ku tagay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta. Weftigan ayaa waxa ay ka sii horumarayaan Madaxweyne Siilaanyo oo Isniinta toddobaadkan isna…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Safar Ugu Kicitimaya Wadanka Djibouti

Hargeysa, 7,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta socdaal ku tagaya dalka Djibouti, si uu uga qayb galo munaasibadda caleemo saarka Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele. Munaasibadda caleemo saarka Madaxweyne Geele oo qabsoomaysa Axada beri haddii Alle idmo, ayay dawladda Djibouti ku casuuntay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madax kale oo ka tirsan…

Read More

Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan-faroole Oo Si Rasmi Ah Loogu Casuumay Maalinta 18-May

Hargeysa, 7,5,2016 (QJ/SDN) – Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay madaxweynayaashii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed iyo maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ku martiqaaday dabaal-degga maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May ee sannadkan. Ilo xogogaala ayaa wargeyska Geeska Afrika u sheegay in labada siyaasi ee reer Somaliya si rasmi ah loo gaadhsiiyay martiqaadkan islamarkaana ay…

Read More