admin

DHAGEYSO:- Puntland: ‘’ 112 Ayaanu Al-Shabaab Ka Dilnay, 63 kalana waanu ka qabsanay’’

Garowe (QJ/SDN) – Wasiirka warfaafinta Puntland,Maxamuud Xasan Soocade oo goor dhawyad shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magalada Garowe ayaa guulo waa weyn ka sheegtay dagaaladii ciidanku kula jireen Al-Shabaab ee weli ku hadhsan duleedka deegaanka GARACAD. Waxa uu sheegay inuu dagaalku ka socda qiyaas meel 20-KM dhnaka koonfurta kaga began deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug,…

Read More

SAWIRRO: Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Gaadiid Tiro Badan Oo Ay Dowladda Soomaaliya Ka Qabsatay

Muqdisho (QJ/SDN) – Al-shabaab ayaa soo bandhigtay gaadiid dagaal oo ay shalay ku qabsadeen weerar ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay Al-shabaab sheegtay inay ku dileen in ku dhow 70-askari. Saldhigga ay Al-shabaab weerartay oo 40-km dhinaca Koonfureed Muqdisho kaga beegan, ayaa waxay…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Guddiga Doorashada Qaranka Iyo Saddexda Xisbi Qaran

Hargeysa (QJ/SDN) – Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa habeen hore shir gaar ah la yeeshay guddiga doorashooyinka iyo asxaabta qaranka, kaas oo lagaga hadlay habka uu u socdo baraamijka diiwaangelint cod bixiyayaashu. Kulankaas waxa warsaxaafadeed ka soo saaray afhayeenka madaxtooyada Mr. Shamax, waxaanu u dhignaa sidan “Shir gaar ah oo ku saabsan habka uu u…

Read More

Madaxweyne Geele Oo La Sheegay Inuu Dacwad Ku Oogayo Shabakada Facebook

Jabuuti (QJ/SDN) –Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay inuu Maxkamadda Sare ee dalka Ireland oo ku taalla magaalladda Dublin u gudbinayo qoraal ka dhan ah Shirkadda Facebook oo ka mid ah Isku-xidhka Warbaahinadda ay Bulshadda ku xidhiidhaan. Wargeyska Toddobaadlaha ee The Sunday times ee dalka Britain ayaa shaaciyay inuu Madaxweynuhu qarka u saaran yahay…

Read More

SAWIRRO: Guddida Sahan-Barwaaqo Oo U Kuur gashay Xaaladda Abaareed Ee Deegaannada Hoos Yimaada Degmada Sallaxley

Hargeysa (QJ/SDN) — Xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannadda Somaliland ayaa maraysa halkii ugu xumayd  waxaana weli sii kordhaaya khasaaraha nafeed ee xoolaha iyo dadkaba, waxaana deegaanno ka tirsan galbeedka Somaliland wararkii u danbeeyay ay sheegayaan in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad toboneeyo ruux. Deegaanada hoos taga degmada Sallaxley ayaa ka mid ah goobaha ay…

Read More

Wariya La Xidhay Kadib Markii Magaca Madaxweynaha Oo Warka Ku Jiray Uu “Mudane” Ka Horreysiin Waayey

Aljari – Maareeyaha guud ee talefishanka dalka Aljeeriya ee Cannal Algerie Tawfiiq Khalaadi ayaa shaqada ka eryey saxafi caan ku ah warbaahinta oo lagu magacaabo Axmed Laxri oo wararka ka akhriyey jiray talefankan, isaga oo lagu eedeeyey in isaga oo warka jeedinaya uu galay qalad fool xun kadib markii magaca madaxweynaha dalka Cabdalcasiis Buu Tafliiqa…

Read More

”Dhambaal ku socda madaxwayne ha”

Mudane Madaxwayne hantida kaliya ee qarankani leeyahay aynu badbaadino !! Hantida ugu wayn ee qarankeenu leeyahay waa dadkiisa daryeelkooda iyo badbaadinta shacabkaas na waa waajib qaran oo ina wada saaran guud ahaan reer somaliland gaar ahaan na xukumada ummadda dalkan lihi u xil-saarteen dardargalinta iyo ka shaqaynta danahooda. Mudane madaxwayne waxaa hubaal ah in dhimashadan…

Read More

Puntland Yaa Neceb???

Waa qormo aan aad u dheerayn,anigoo ah Jibriil Axmed Maxamed ah ayaana qoray. Haddii aad wada akhrisay waad ufsaxantahay inaad fikirkaaga ka dhiibtid,inaad sii faafisid iyo inaad qaadatid oo meelahaaga gaarka ah ku daabacatid. Maalmahaan dambe iyo maalmihii ka horeeyeyba waxaa baraha bulshada haystay qolyo ku andacoonaya in puntland cadow looga yahay soomaaliya,wax kasta oo…

Read More

Dagaal Culus oo u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab oo ka socda Dulleeedka Garacad

Garacad – Dagaal culus oo ciidanka Puntland iyo kuwa Al-shabaab u dhexeeya ayaa ka socda Maanta deegaan 18-km u jira deegaanka Gara-cad, halkaasoo ay xoogagga Al-shabaab galeen 14-kii bishan Maarso. Wararka laga helayo Deegaankaas ayaa sheegaya in dagaalku uu yahay mid aad u culus oo labada dhinac ay is-dhaafsanayaan hub culus iyo mid fudud; inkastoo…

Read More

Millateriga Kenya oo sheegay in 34 Al-shabaab ah ay ku dileen Dagaallo ka dhacay Gudaha Somalia

Muqdisho – Millateriga Kenya ayaa sheegay maanta inay 34 ka mid ah xoogagga Al-shabaab ay ku dileen laba dagaal oo ay shalay iyo xalay xoogag taabacsan Al-shabaab kula galeen deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya. Afhayeenka millateriga dalka Kenya, Col. David Obonyo ayaa sheegay in dagaal shalay ay kula galeen gobolka Jubbada Hoose looga dilay laba…

Read More

Xukuumadaha Somalia iyo Shiinaha oo ka Wada-hadlay Abaaraha ka Taagan Dalka

Muqdisho – Ku-simaha RW Somalia, isla markaana ah ahna wasiirka Cadaaladda, C/laahi Axmed Jaamac [Ilka-Jiir], ayaa Maanta la kulmay Safiirka Shiinaha ee Somalia, Wei Hongtian oo Warsame Geel-jire loo yaqaano. Iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii Dowaldda Shiinuhu ay taageero uga geysan lahayd Abaaraha ka jira qaybo ka mid ah gobollada dalka….

Read More

MADAXWEYNAHA SOMALIA: Puntland Waxaan ka Caawinaynaa Dagaallada Ururka Al-shabaab

Muqdisho – Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka Al-shabaab lagula jiro ee ka socda deegaano Puntland ka tirsan uu qayb ka yahay barnaamijka ururkaasi ugu jiro waxyeeleynta shacabka Soomaaliyeed. Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay Muqdisho, kaddib markii uu ka qayb-galay furit-aanka shir maamullada looga hadlayo, isagoo xusay inay Al-shabaab isku dayeyso inay…

Read More

Ninkii looga shakisanaa inuu ku lug lahaa weerarkii Paris oo lagu qabtay Belgium

Brussels — Saleh Abdesalam oo looga shakisanaa weeraradii Paris lagu qaaday bishii November ee sanadkii hore ayaa gacanta lagu dhigay, isagoo dhaawac ah, kadib markii howl gal Ciidamada Booliska iyo kuwa Kumandoska Belgium ka sameeyeen meel ka mid ah magaalada Brussels. Ninkan ayaa dhuumaaleysi ku jiray tan iyo markii uu dhacay weerarkii Paris, waxaana la…

Read More