admin

Banka Qoolcaday: Little Proxy War

Mahad dhamaanteed Allaah iska leh, nabadgelyo iyo naxariisiba korkiisa ha ahaato nebigeena Muxamed ah; ehelkiisa, asxaabtiisa iyo cidii dariiqiisa haysaba. Gogoldhig Waa Ilaahay mahadii mar haddii dawladii  tidhi shacabkeedii way u damqanaysaa oo darxumada iyo dib u dhaca ka haysta xaga dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarshada  iyo tan busheed ba way ka xuntahay waxna way ka qabanaysaa!……

Read More

Madaxweyne Xasan oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Australia SAWIRRO

Muqdisho (SDN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga gudoomay warqadihii aqoonsiga danjiraha cusub xukuumadda Australia ee Somalia, wakiilkana uga noqon doona Somalia, Mr John Feakes. Xasan Sheekh ayaa wakiilka Australia uga warramay xaaladda Soomaaliya iyo horumarka ilaa iyo haatan lagu tallaabsadey ee dhinacyada dowlad-dhisida, baahinta xukunka, amniga iyo caqabadaha weli…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo kulan la yeeshay Amiirka dalka Kuwait SAWIRRO

Kuwait  – Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar oo Safar ku jooga dalka Kuwait ayaa la kulmay Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah. Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Kuwait ayaa wuxuu u gudbiyay dhambaal uu ka siday madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo intaas kaddib uga mahad-celiyay xukuumadda…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalka Kuwait u Kicitimay iyo Madaxtooyada Oo Ka Hadashay

Hargeysa (SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta u duulay Dalka Kuwait oo uu boqasho rasmiya ka helay Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo Madaxweynaha u soo diray diyaarad gaara isaga iyo weftigiisaba. Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax ) oo saxaafada la hadlay ayaa…

Read More

Askari katirsanaa Ciidanka AMISOM oo is toogtay maalmo un kadib markii uu ku laabtay dalkiisa

Nairobi (SDN) – Askari kasoo jeeda dalka Kenya kana tirsanaa ciidamada AMISOM ee ka howlgalayay gudaha Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in uu isku dhax dilay gurigiisa oo kuyaala Magaalada Busiya ee kutaala xadka ay Wadaagaan Dalalka Kenya iyo Uganda. Wargeyska The Star , ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa wax ka qoray sheekada ku…

Read More

Xildhibaan Dheeg Oo Ka Hadlay Diiwaangelinta Iyo Xaaladda Abaareed Ee Jirta

Hargeysa (QJ/SDN) -Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa is-barbar dhig ku sameeyey nidaamka dawladnimo ee Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in aanay Somaliya isnaba u gaadhaynin Somaliland, isaga oo tilmaamay inay Somaliland ka hanaqaaday Dimuqraadiyad, Doorashooyin xor ah iyo Nabadgalyo buuxda. Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Dheeg) oo Wargeyska Geeska Afrika…

Read More

Xasan Sheekh Oo Dedaal Ugu Jira Inuu Imaaraadka Carabta Ku Qanciyo Inuu Isagu Ka Kireeyo Madaarka Berbera

Hargeysa (QJ/SDN) – Madaxweynaah Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa guclo iyo orod ugu jira sidii uu madaarka Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland uga kirayn lahaa dawladda Imaaraadka Carabta, gaar ahaan qaybtooda ciidamada. Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay, ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu dhawaan magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta u diray wasiirkiisa…

Read More

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Gobolka Buuhoodle Fariina U Diray Cali Khaliif Iyo Maamulka Puntland

Hargeysa (QJ/SDN) – Gudoomiyaha golaha guurtida somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta ka hadlay xaalada gobolka buuhoodle, waxana uu fariin u digay horjooge Cali Khaliif Galaydh iyo maamulka puntland, isaga oo ugu baaqay inay ka taliyaan amniga iyo wanaaga. Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka https://www.youtube.com/watch?v=LcdDgcBQFUI

Read More

Daawo: Booliiska Dalka Talyaaniga oo xabsiga dhigay Imaam Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay Argagaxiso!

Hargeysa — Booliiska dalka Talyaaniga ayaa waxaa la sheegay inay xabsiga dhigeen Imaam Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey inuu damacsanaa inuu Qarxiyo xarunta Tareenada laga raaco ee magaalada Roma ee dalkaas Talyaaniga. Imaamka Soomaaliga ah oo aan magaciisa la shaacin laakiinse lagu sheegay inuu yahay 22 sano jir ayaa waxay booliisku ay xabsiga u…

Read More

Nuxurka Qodobada La Iskula Qaatay Kulan Dhex-maray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Iyo Ururka Mareegaha Somaliland Ee SOMA

Hargeysa — Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Guddoonka, Guddiga (Boodhka) Ururka Shabakadaha Wararka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) iyo weliba Masuuliyiinta iyo Wakiillada Shabakadaha qaarkood, ayaa kulan laba geesood ah oo ay ku yeesheen xarunta Wasaaraddaas ee magaalada Hargeysa kaga wadahadlay qodobbo muhiim ah. Kulanka Wasiirka iyo…

Read More

RW Itoobiya oo Raali-gelin ka bixiyay dadkii ku Geeriyooday Rabshadihii ka Dhacay ITOOBIYA

Addis Ababa (SDN) – RW dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa Raalli-gelin ka bixiyay dadkii lagu dilay rabshadihii gobolka Oromo ka dhacay, kaddib markii uu iska-horimaadyo dhexmaray ciidanka Amniga Itoobiya iyo dibad-baxayaal diidanaa qorshe ay xukuumadda ku ballaadhinaysay Addis Ababa. Hailemariam Desalegn, oo khudbad ka jeedinayay shalay baarlamanka dalka Itoobiya ayaa xusay in dadkii ka dambeeyay…

Read More

SAWIRRO: Dowladda Somalia oo sheegtay in la isku halleyn karo Amniga Garoonka Diyaadaha Muqdisho

Muqdisho (SDN) – Garoonka Diyaardaha Aadan Cadde ee Muqdisho, ayaa waxaa Maanta Kormeer ku tagay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo u kuur-galay hawlaha ka socda garoonka iyo qaabka loo sugayo Amniga, kaddib markii dhawaan Diyaarad ay lahayd Shirkadda Daallo Airlines oo ka duushay Garoonka uu Qarax ka dhex-dhacay. Wasiirrada kormeeray garoonka diyaaradaha Muqdisho…

Read More

SOMALILAND: Gobolka Saaxil oo laga Billaabayo Berri Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha

Hargeysa (SDN) — Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa shaaciyey in maalinta Barri ee Sabtida si rasmiya uga bilaabmi doonto Diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Saaxil, Gabiley iyo Balligubadle. Guddida doorashooyinka ayaa sheegay in la israaciyey oo mar ka wada bilaabmi doonto gobolka Saaxil, degmada Gabiley iyo Degmadda Balligubadle ee iyagu hoos yimaada gobolka Maroodi jeex. Ugu horreyn,…

Read More