Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka iyo Dabagalka Ee Wakiillada Oo Soo Bandhigay Warbixin Ka Hadlaysa Heerka Maamul Daadajinta Ee Wasaaraddaha Dalka iyo Wasiiro Ka Dareen Celiyay DAAWO
Hargeysa,25Nov,2015(QJ/SDN)-Guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa ee golaha wakiillada Somaliland ayaa munaasibad lagu qabtay Hotel Maansoor ee Hargeysa waxay ku soo bandhigeen warbixin ku saabsan heerka maamul daadajinta hay’addaha dawladda iyo shaqooyinka iyo lacagta miisaaniyadda wasaaraddaha ugu jirta gobolada iyo degmooyinku siday u fulaan. Warbixinta waxaa laf dhabar u ah xogaha laga helay isuduwayaasha…
