MUUSE HOGAAMIYE AAN LAGA FILAYN SIDAN! W/Q: Maxamed Cabdillaahi Biixi
Laga soo bilaabo 2002dii ilaa hadda oo aynu taaganahay 2015kii waxa aad halgan dheer usoo martay sidii aad maruun kursiga ugu sareeya Xisbiga Midnimda Iyo Horumarka somaliland aad u hanan lahayd kaasi oo ah musharaxnimada jagada madaxweynenimo ee xisbigaasi, guushani may ahayn mid aad dhayal kusoo gaadhay se waxay ahayd mid xanafteeda lahayd, duruufteeda wadatay,…
