admin

    Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Oo Gaadhay Garoowe Si Diirana Loogu Soo Dhaweeyay + DAAWO SAWIRADDA

    Garoowe,14july2015(QJ/SDN)-Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa Maanta Gaadhay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal. Sharmaake waxaa kusoo Dhoweeyay halkaas madaxda Maamulka Puntaland, Halkaas ayuuna ku hoyday, madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas ayaa ka mid ahaa Xubnaha soo dhoweyntiisa ka qeyb galay. ”Waxaa sharafweyn noo ah maanta inaan soo dhaweyno Ra’iisul wasaaraha…

    Read More

      Xukuumadda Somaliya Oo Maxkamadda Danbiyadda Ee ICC-da U Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Dawladda KENYA

      Hageu,14july,2015(QJ/SDN)-Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda ee Hague, dacwad ka dhan ah dowladda Kenya oo la xidhiidhtaa muran dhinaca soohdinta badda. Wafdiga dowladda Soomaaliya ee dacwadda gudbiyay ayaa waxa hoggaaminayay, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir, oo ay la socdeen qareenno caalami ah oo u doodaya Soomaaliya….

      Read More

        Salaadiinta iyo Waxgaradka Beesha Uu Kasoo Jeeday Marxuum Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi Oo Baaq iyo Hanjabaad U diray Madaxweynaha Soomaaliya.

        Hargeysa,14july2015(QJ/SDN)- Salaadiinta Cuqaasha iyo waxgaradka beesha  uu ka soo jeeday Marxuum Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi ayaa sheegay in in dilka Yuusuf cad yahay Madaxweynaha Soomaaliya oo u soo diray ciidankiisii gaarka ahaa isla markaana shirqool uu soo maleegay Madaxweynah Soomaaliya lagu dilay marxuukma. Waxaanay madaxdhaqameedkani intaa ku dareen  haddi Madaxwaynaha Soomaaliya sharciga soo taagiwaayo nimankii…

        Read More

          R/Wasaare Cumar C/rashiid Oo Gaadhay Magaalada Cadaado Madaxda Galmudugna la kulmay

          Cadaado,13july2015(QJ/SDN) R/Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa galabta tagey magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, isagoo uga sii gudbay magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, waxana mudadii koobnayd ee uu jooga Cadaado la kulmay hoggaanka Maamulka KMG ah ee Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Cadaado kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen…

          Read More

            Gudoomiyihii Baarlamanki U Horeeyay Ee Somaliya Jaamac Cabdilaahi Qaalib “Diir Qadhaadh” Oo Geeriyooday Iyo Taariikhdiisi Oo Kooban.

            Hargeysa,13july,2015(QJ/SDN)-Waxa Wakhti Barakaysan Raxmada Illaahay U Jarmaaday Aw Jaamac Cabdilaahi Qaalib ( Diir Qadhaadh ) Oo So Qabtay Ra`iisal Baarlamaanki U Horeeyay Ee Is Raaci Labadi Soomaaliyeed Ee Aan La Mahadin. Marxuumku Wuxu Aha Markii Maraykanku U Diiday Somalida Hubka Ninki Ka Degay Moosko Ee Soo Saxeexay Heshiiski Taarikhiga Ahaa Ee Midowgi Soofyeet ku  Soo…

            Read More

              War-saxaafadeed :Xukuumaddu Waa Inay Xorriyaddooda Usoo celiso Bahda Baadigoob FM

              Hargeysa,13july(QJ/SDN)-War-saxaafadeed ay soo saareen Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista Somaliland ayaa si xooggan loogu cambaareeyay xadhig qaatay sagaal bilood oo ay Xukuumaddu kula kacday Madaxdii iyo Shaqaalihii Baadigoob FM oo laga dhegaysan jiray Mawjadda FM ee 89.00. Qoraalkaas oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan: “Sida la ogsoon yahay waxa uu…

              Read More

                Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgaley furitaanka Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Horumarinta

                Addis-ababa,13july,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley furitaanka Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Qaramada Midoobay ee dhinaca Maalgashiga Mashaariicda Horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa.    Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha caalamka , wakiilo ka socda dowladaha, hay’adaha caalamiga ee dhinaca maaliyadda…

                Read More

                  Garabka Haweenka Ee Xisbiga Waddani Oo Deeq Gaadhsiiyay Cisbitaalka Dhimirka Ee Hargeysa.

                  Hargeysa,13july,2015(QJ/SDN)-Garabka haweenka ee xisbiga waddani ayaa  deeq gaadhsiiyey dadka ku jira qaybta dhimirka ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Munaasibad lagu wareejinayey deeqdaas oo lagu qabtay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka qayb galay maamulaha cisbitaalka Hargeysa  Dr. Axmed Daahir Aadan , agaasimaha waaxda dhimirka Dr. Mustafe Xuseen Xirsi iyo xubno ka tirsan…

                  Read More

                    Taariikhda Islaamka: Boqorkii Sagaalaad Ee Boqorada Umawiyiinta:

                    Taariikhda Islaamka: Boqorkii Sagaalaad Ee Boqorada Umawiyiinta: waxa u ahaa Yasiid binu Cabdimalik, waxaana lagu naanaysi jiray abuu khaalid . hooyadii waxa la odhan jiray Caatika bintu yasiid, waxa uu dhashay sanadkii 71 ee hijriyada khilaafada waxa uu qabtay sanadkii 101hijriga da’diisa waxay ahayd 29sano jir . khilaafadiisii hadii aan wax ka tilmaano waxa ugu…

                    Read More

                      Magaalada Hargeysa Oo Si Weyn Loogu Diyaargaroobayo Munaasibadda Ciidul-fidriga-DAAWO SAWIRADA

                      Hargeysa,12july,2015(QJ/SDN)-Magaalada Hargeysa ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garow xooggan oo loogu jiro maalinta Ciidul Fidriga, iyadoo Suuqyada Hargeysa ay yihiin kuwo saxmad badan oo dadku meel ay kala istaagaan adag tahay in la helo. Suuqyada Magaalada ayaa waxaa soo buux dhaafiyay Caruur waalidiintooda gacmaha haysta iyo dhalinyaro ka dukaameysaneysa si ay isugu diyaariyaan maalinta ciidul…

                      Read More

                        Deg Deg : Dagaal Ka Soconaya Magaalada Kismaayo.

                        Kismaayo,12july,2015(QJ/SDN)-Xoogag hubeysan oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Ciidanka Nabad Suggida Magaalada Kismaayo, ayaa waxay weerar xoogan ku qaadeen Xarunta Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, uu ku lee yahay Magaalada Kismaayo. Mid ka mid ah ilaalada Maxamed Warsame Faarax (Darwiish), Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbland, ayaa waxa uu qori ka soo dhacay askari ka tirsan…

                        Read More

                          Madaxweynaha Somalia oo magacaabay Xisaabiyaha guud ee Qaranka

                          Mudisho,11july,2015(QJ/SDN)-Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu faafiyay Warbaahinta Dowladda ayaa lagu magacaabay Xisaabiyaha guud ee Qaranka. Digreetada ayaa u qorneyd sidatan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, marii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “K” ee…

                          Read More

                            War Deg Deg Ah: Weeraro iyo qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

                            Muqdisho,10july2015(QJ/SDN)-Wararka aan ka heleyno Dhismaha Hotelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Goordhaw weerarkii lagu qaaday Hotelkaasi lasoo afjaray ayna hada joogsadeen rasaastii halkaasi ka dhaceysay. Sargaal katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in lasoo afjaray weerarkii Hotelka Wehliye ay ku qaadeen rag katirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi lagu dilay ragii weerarka ku qaaday dhismaha…

                            Read More

                              Daawo Muuqaal Iyo Sawiro: Reer Hargaysa Oo Si Weyn Usoo Dhaweeyay Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Iyo Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid.

                              Hargeysa,10july2015(QJ/SDN)-Salaadiin,Siyaasiyiin,dhalinayro,Haween,Aqoonyahano iyo Wax-garad kale oo aad u tiro badan ayaa maanta Magaaladda Hargaysa waxay si weyn ugu soo dhaweeyeen Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo kasoo kicitimay dhinaca Maamul-goboleedka Somalilyeed ee Puntland oo Bilihii ugu danbeeyay uu Abwaanku ku xidhnaa.   Suldaanka iyo Cuqaasha kale ee…

                              Read More

                                Baarlamaanka Maamulka Puntland oo sheegay inay go’aan ka qaadanayaan kasii mid ahaanshaha Soomaaliya

                                Garowe,9july,2015(QJ/SDN)-Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland, ayaa maanta oo Khamiis ah dood adag waxa ay ka yeesheen ka sii mid ahaanshaha Dowladda Federalka Somalia, xilli Puntland ay sheegayso inay Dowladda dhexe wax badan ka tabanayso. Dooda Xildhibaanada oo aheyd mid hal dhinac ah oo Dowladda Somalia lagu weeraray ayaa Xildhibaanada waxa ay isku raaceen in go’aan mideysan…

                                Read More

                                  Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Suudaan

                                  Jubba,9july,2015(QJ/SDN)-Wararka laga helayo dalka Koonfurta Suudaan ayaa sheegaya in dalkaasi lagu dilay labo muwaadiniin Soomaali ah. Labada Soomaalida ah ee la dilay waxaa la sheegay inay ahaayen darawalo kuwasoo u shaqeynayay Shirkadda Shidaalka ee Dalbit International. Labadaasi muwaadin ayaa waxaa la weeraray iyagoo waday gawaarida Booyadlayaasha ee shidaalka, waxa ayna kusii jeeden Gobalka Baxarul-qasaal. Rag hubeysan…

                                  Read More

                                    Xubno sarsare Oo Ka Tirsanaa Maamulka DDSI Oo Xabsiga La Dhigay

                                    Jig-jiga,9july2015(QJ/SDN)-Magaalada Jigjiga waxaa lays la dhex marayaa warar kala duwan oo ka dayrinaya xubnihii ugu dhowaa Madaxweynaha DDSI Cabdi iley kuwaasi oo sida lasheegay qaar kood ay seeftu qaaday. Wararka aad laysla dhex marayo ayaa waxaa kamid ah in ugu Yaraan 3-shakhsi oo kamid ahaa saaxiibadii ugu dhowaa Cabdi iley in xabsiga ladhigay, halka qaar…

                                    Read More

                                      Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Ku Guulaystay Inuu Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid Dib Xoriyadiisii U Helo: Daawo Sawiradda

                                      Garoowe:(QJ/SDN)- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,ayaa si rasmi ah ugu guulaystay inuu Xoriyadiisa usoo celiyo Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo ka mid Abwaanada sida weyn looga yaqaano gayiga ay Soomaalidu degto oo dhan. Suldaanka iyo Cuqaal kale oo ka tirsan Beesha uu kasoo jeedo Abwaanku ayaa Bilihii ugu danbeeyay waxay Magaaladda…

                                      Read More