admin

    Banaabax Balaaran oo lagu taagerayay xildhibaanadii mowshinka ka laabtay iyo Sanad guurada AU oo ka dhacay Muqdisho

    Muqdisho May 23 2013 (SDN)— Banaabax uu soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banadir ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Banaabaxa oo ahaa mid balaaran islamarkaana ay ka qeybqaadanayeen shacbi ka kala yimid degmooyinka gobolkan Banaadir ayaa waxa uu ka dhacay Fagaaraha Sayid ee Magaalada Muqdisho oo u dhaw Xarunta golaha…

    Read More

      R/wasaare Saacid oo Muqdisho kula kulmay Wakiilka AU ee Soomaaliya Anaadiif (Sawirro)

      Muqdisho May 22 2013 (SDN)—Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi uu hogaaminayay wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Maxamed Saalax Anaadif. Kulanka Ra’iisul wasaare Saacid iyo Ambassador Maxamed Saalax Anaadif ayaa waxaa ku wehliyay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. Mas’uuliyiintan ayaa kulankooda diirada kusaaray Arrimo…

      Read More

        Mowshinkii laga waday Xukuumadda Ra’iisul wasaare Saacid oo fashilmay

        Muqdisho May 22 2013 (SDN)— Barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa maanta kulan ay uga hadlayeen Mowshin laga keenay Xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid waxa ay ku yeesheen Xarunta golaha Shacbiga ee Magaalada Muqdisho. Kulanka oo uu shirgudoominyay guddoomiyaha barlamanka Prof Jawaari ayaa waxaa soo xaadiray 200-xildhibaan waxaana laguda galay arrimaha kulanku uu ku saabsanaa ee mowshinka. Prof:…

        Read More

          Barlamanka oo maanta kulan xasaasi ah ku yeelan doona golaha Shacbiga Muqdisho

          Muqdisho May 22 2013 (SDN)— Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta hortageysa Barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya si ay ugu sharaxdo wax qabadkii mudada dhawrka bilood ah oo ay jirtay. Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya oo aan Telfonka kula xiriiray saakay ayaa waxa ay sheegeen in maanta kulanka xildhibaanadu uu yahay mid xasaasi ah islamarkaana Ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa…

          Read More

            Madaxweyne Faroole oo la kulmay Safiirka Australia u qaabilsan Somalia iyo Kenya

            Garoowe May 21 2013 (SDN)— C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta Magaalada Garoowe ee xarunta maamulkiisa kula kulmau Safiirka Australia u qaabilsan Kenya iyo Somalia Geoff Tooth. Madaxweyne Faroole oo ka hadlay kulan uu la qaatay Geoff Tooth ayaa sheegay in dowladda Australia ay garabtaagantahay Soomaaliya si ay u xaliso arrimaha Soomaaliya….

            Read More

              Banaabax lagu taageerayo Ra’iisul wasaare Saacid oo maanta ka dhacay Muqdisho

              Muqdisho May 21 2013 (SDN)— Banaabax lagu taageerayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana looga soo horjeeday Mowshinka laga geynayo R/wasaare Saacid ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho. Banaanaxayaasha oo gaarayay Boqolaal Ruux oo isugu jiray hablo,dhalinyaro, Arday iyo dad kale ayaa waxa uu ka dhacay baxada Sayidka ee u dhaw dhismaha Barlamaanka ee xarunta…

              Read More

                Odayaashii soo xulay Barlamanka Soomaaliyeed oo ku baaqay in la joojiyo Mowshinka laga wado R/wasaare

                Muqdisho May 21 2013 (SDN)— Odayaashii dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka oo kulan ku yeshay maanta magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay mudanayaasha mowshika ka keenay xukuumada iney ka noqdaan,  iyagoo ku taliyay in wixii qaldan la saxo. Kulan ay odayaashi dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Baarlamanka ay ku yeesheen Muqdisho ayaa looga hadlay xaalada…

                Read More

                  Madaxweyne Faroole oo si kulul uga hadlay Arrimaha Dastuurka, Jubaland iyo dowladda Somaliya

                  Garoowe May 21 2013 (SDN)— Hogaamiyaha Maamulka Punltand C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo shalay saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa si kulul u weeraray dowladda Federalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud. C/raxmaan Faroole ayaa ka hadlay arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo hirgalintiisa, Maamul goboleedyada iyo Maamulka Jubaland ee dhawaan iyadoo la isku khilaafsanyahay looga…

                  Read More

                    Howlgallo Balaaran oo saakay ka soconaya Degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir

                    Muqdisho May 21 2013 (SDN)— Howlgallo balaaran ayaa saakay ka soconaya xaafado kamid ah degmooyinka Wardhiigley iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Howlgallada ayaa waxaa siwada jir ah u fulinaya Ciidama dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxaaana xaafada sida weyn ay uga soconayaan kamid ah, xaafada Xamarjadiid, wadada warshadaha, Suuqa Bakaaraha iyo meelo kale. Isku socodka…

                    Read More

                      Doorashada Maamulka Ximan & Xeeb oo la shaaciyay waqtiga laqabana doono

                      Cadaado May 20 2013 (SDN)– Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Maamulka Ximan Iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi “Dhage Cade” oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa waxa uu shaaciyay xiliga ay bilaabaneyso araaji qabashada musharixiinta u tartamaya madaxtinimada maamulkaasi. Maxamed Cabdullaahi “Dhage Cade” ayaa sheegay in gudiga doorashooyinka madaxtinimada Maamulka Ximan Iyo Xeen ay isla garteen in…

                      Read More

                        Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya oo gaaray Khartoum lana kulmay dhigiisa wadanka Sudan (Sawirro)

                        Khartoum May 20 2013 (SDN)– Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa gaaray Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan,markii ay casuumaad ka heleen dhigiisa dalkaasi. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo sidoo kale Guddoomiyaha maxkamada Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida Col Muungaab….

                        Read More

                          2-qof oo Shabaab lagu eedeyay oo Kenya lagu dilay

                          Nairobi May 20, 2013(SDN)-Saraakisha booliska wadanka Kenya ayaa sheegay in toogasho ay ku dileen labo qof oo mid ay aheyd ruux haweynee ah oo la sheegay in ay ka danbeyen weeraro qaraxyo bambaano ah oo ka dhacay wadankaasi Kenya. Booliska ayaa shegay in weerarka labadasi qof lagu doon donayay ay soo bilaabmatay maalinti sabtiada ayna…

                          Read More