admin

    Nabad sugida oo dalbatay in aan laga been abuuran.

    Muqdosho May 20, 2013(SDN)-Agaasimaha hay,ada nabad sugida Bashir Maxamed Salad ayaa sheegay in shacabka Somalia looga bahan yahay in ay taageeraan nabad kusoo dabaalida wadanka Somalia. Waqti uu la hadlaayay warbaahinta ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in hay,ada aan laga been abuurin kadib wixii ka daneyay wararkii lagu sheegay in nabad sugida ay is hor…

    Read More

      Al-shabaab “Kismaayo dagaal ay fooda u saran tahay”.

      Kismaayo May 20, 2013(SDN)-Sarkaalka dhanka gobolada Jubooyinka ugu qaabilsan Xarakada Al-shabaab Cabdi Raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay waqti uu la hadlaayay warbaahinta afka Shabaabka ku hadashay in haatan Kismaayo ay dagaal fooda u saran tahay. Waxa uu sarkaalkaasi uu muujiyay sida haatan kismaayo ay u yeelatay 5-ta madaxweyne ay suurta gal ay tahay in dagaal uu…

      Read More

        Ciidamada Nigeria oo hareereeyay Saldhigyo ay leeyihiin Kooxda Boko Xaram

        Midiguri May 20 2013 (SDN)— Ciidamada dowladda Nigeria ayaa waxa ay hareereeyeen saldhigyo ay kooxda Boko Xaram ku leedahay Magaalada ay ku badan yihiin ee Midiguri oo ku taalla Waqooyi-Bari dalka Nigeria. Afhayeenka Ciidamada howlgaladda kawada Waqooyi-Bari Nigeria ayaa sheegay in dagaalyahanada Booko Xaram ay kala firxanayaan islamarkaana ay gacanta ku dhigeen qeybo badan oo…

        Read More

          Madaxtoyada dowladda Soomaaliya oo xalay hoobiyayaal lagu weeraray

          Muqdisho May 20 2013 (SDN)— Xalay ayaa dhismaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu weeraray tiro madaafiic kuwaasi oo dhawaqooda laga maqlyay qeybo kamid ah degmooyinka gobolkan Banaadir. Madaafiicda lagu garaacay dhismaha Madaxtooyada iyo nawaaxigeeda ayaa ahaa hoobiyayaal aan la garaneyn halka sida rasmiga ah looga soo tuuray laakiin waxaa tiradooda lagu sheegay…

          Read More

            Fowziyo Yuusuf Xaaji oo dalka dib ugu soo laabtay, lana kulantay wafdi ka socday Jaamacada Carabta

            Muqdisho May 19 2013 (SDN)– Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho ay ku joogtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadadn oo warbaahinta Afka dowladda kula hadashay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee Aadan Cade ayaa waxa ay sheegtay in Mas’uuliyiinta Kenya…

            Read More

              Banaabax Looga soo horjeedo Maamuladii looga dhawaaqay Kismaayo oo halkaasi maanta ka dhacay

              Kismaayo May 19 2013 (SDN)– Banaabax looga soo horjeeday doorashadii dhawaan ka dhacaday Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ayaa maanta waxa uu ka dhacay xaafado katirsan Magaaladaasi. Banaabaxan oo ay ka qeybqaadanayeen qeybaha bulshada sida Ardayda, haweenka, dhaliyarada iyo waxgaradka ayaa ahaa mid looga soo horjeedo doorashadii dhawaan logu doortay Axmed Madoobe oo ahaa…

              Read More

                Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Nidaamka Federaaliisimka Ah

                Muqdisho May 19 2013 (SDN)– Warsaxaafadeed,_Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimaha Midnimada Soomaaliya, arrimaha Federaalka iyo arrimaha Jubbooyinka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in midnimada ummadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas, loona baahanyahay si kasta oo lagu raadin karo in lagu raadiyo. Madaxweyanaha ayaa…

                Read More

                  DAAWO SAWIRO: Dowladda Turkiga oo Xarun Waxbarasho ka furtay Magaalada Muqdisho

                  Muqdisho May 19 2013 (SDN)– Daawo Sawirrada Xarun Waxbarasho oo dowlada Turkigu ka hirgalisay Magaalada Muqdisho.   Xarun Waxbarasho Oo Turkiga Uu Ka Hirgeliyay Magaalada Muqdisho Awr Lagu Soo Bandhigay Xafladii Furintaanka Ee Xarunta Waxbarasho Barbaarta Gaashaaman Oo Fadhiya Afaafka Hore Xarunta Cusub Ee Waxbarasho Barbaarta Gaashaaman Oo Ciyaaraya Madaxweynaha Oo Lagu Soo Dhaweynayo Xarunta…

                  Read More

                    Xasan Sheekh oo ka haday Somaliland oo maanta u dabaaldageyso 22-sano oo Somaliya ay ka go’neyd

                    Muqdisho May 18 2013 (SDN)— Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka hadlay Munaasabad lagu furayay Mashaariic dowlada Turkigu ka fulineyso Soomaaliya aya soo hadal qaaday Somaliland oo maata u dabaal dageysa 22-sano guuradii ka soo wareegatay markii ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kalae. Madaxweynha Soomaaliya ayaa sheegay in la gaaray xiliga la xajin…

                    Read More

                      Bashiir Goobe iyo Porf Samatar oo xillakoodii dad kale loo dhaariyay

                      Muqdisho May 18 2013 (SDN)– Kulankii Maanta xildhibaanada Soomaaliyeed ay ku yeesheen Xarunta golaha shacbiga ayaa waxaa lagu dhaariyay xildhibaano cusub oo barlamanka ku soo biiray. Xildhibaanadan ayaa tira dooda waxa ay gaarayeen Labo Xildhibaan waxaana lagu hordhaariyay Barlamanka ka hor intii aan laguda galin kulankii maanta. Xildhibaanadan cusub ayaa waxa ay bedeleen boosaskii Generaal…

                      Read More

                        Barlamanka Soomaaliya oo la kulmay Wafdi ka socday Jaamacada Carabta

                        Muqdisho May 18 2013 (SDN)– Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Arrinta golaha Shacbiga Magaalada Muqdisho ayaa waxa halkaasi ugu yimid  Guddoomiyaha Baarlamaanada carabta, kaasi oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanada carabta, isgaoo  sheegay in ay wax weyn…

                        Read More

                          Gudoonka Baarlamaanka Oo Casho Sharaf U Sameeyey Wafdi Uu Hogaaminayo gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta “SAWIRRO”

                          Muqdisho May 18 2013 (SDN)– Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho casho sharaf ugu sameeyey wafdi ka socda Baarlamaanka Carabta oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Maxamed Jarwaan, wafdigaasi oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho. Casho sharafta oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa…

                          Read More