“Author Archive”
Stories written by akguled

Madaxweyne Siilaanyo Iyo Madax Kale oo ka Qayb galay Dufcadii 15aad ee ka Baxda Jaamacada Camuud ee Magaalada Boorama DAAWO

Boorama 16.Aug 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo maanta socdaal shaqo ku tegay Gobolka Awdal ayaa Magaalada Boorama kaga qaybgalay munaasabad ay jaamacadda Cammuud kaga Qalin jebinayeen dufcaddii 15-aad ee ka baxda jaamacadaasi oo ka Koobnaa 600 oo arday. Xaflada ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne Siilaanyo oo Qallinkiisu ka Maagay Xil ka qaadis ama Isku Shaandhayntiisii u danbaysay oo uu ka reebay Wasiirada Beeshiisa ka soo Jeeda

Hargaysa 16.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa taariikhda u galaysa inaanay isku Shaandheyntii ugu dambayay ee lagu sameeyo golaha Xukuumaddiisa, aannu taaban Wasiirrada ka soo jeedda beeshiisa ee kala ah Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Cabdi Guray, Wasiirka Hawlaha guud iyo guryaynta Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), Wasiirka dib […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Cali Guray Oo Luuqad Adag Ugu Jawaabay Faysal Cali Waraabe Oo Eedo Dhabar Jab Ah U Jeediyey Axmed Mire Iyo Ismaaciil Buubaa + Faysal Oo Siyaasi Buubaa Ku Tilmaamay Hawlgab Soo Dhacay DAAWO

Hargaysa 16.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen ayaa si ba’an u weeraray siyaasiyiinta Axmed Mire Maxamed iyo Ismaaciil Buubaa oo uu ku tilmaamay in ay dabada ka riixayaan shir beeleed uu ku tilmaamay in haddii uu talada hayn lahaa aan dalka laga qabteen oo wada jirka umadda waxyeelo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Sababta uu Wasiir Warancade Ku Waayay Xilkii Balaadhnaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Sadex Qodob ku Soo Ururtay

Hargaysa 16.Aug 2016 (SDN/QJ):- Cali Maxamed Warancade oo ahaa Wasiirkii 3aad ee Soo Qabtay Xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudadii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka mid ahaa Shakhsiyaadkii laga bedelay Xilkaas loona Magacaabay inuu Noqdo Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya. Inkasta oo ay Madaxweynaha Gaar u tahay Sababta uu Xilkaas uga Bedelay hadana Marka la ablo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Aragtida Xildhibaanada Gobolka Sool ee Isku Shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo ku Sameeyay Golihiisa Xukuumadda DAAWO

Hargaysa 16.Aug 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland ku hambalyeeyey Digreetadii uu ku magacaabay masuuliyiinta cusub. Mas’uuliyiinta ka dhex Muuqday Isku Shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo ee Gobolka Sool Salaanka ka soo fuulay ayaa kala ah. 1.Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha 2.Guuleed Maxamed […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Saraakiishooda oo Dareen Farxadeed ku Qaabilay Magacaabista Taliyaha Ciidamada Nuux Taani

Hargaysa 16.Aug 2016 (SDN/QJ):- Saraakiisha iyo saraakiil Xigeenada kala duwan ee Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa, siweyn usoo dhaweeyay Magacaabista Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye-Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo kaalin mug leh kasoo qaatey Dhismihii Ciidamada Qaranka Somaliland ee Difaaca dalka. Fadhiisimooyinka kala duwan ee Ciidamada Qaranka Somaliland ku leeyihiin jiidaha ay ku sugan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

“Ilaahaybaan Ku Dhaartee Dugsiga Gaarka Loo Leeyahay ee Ku dhaqmi Waaya Manhajka Somaliland Ruqsad ayaan Kala Noqonaynaa” DHAGAYSO Wasiirka Waxbarashada

Hargaysa 16.Aug 2016 (SDN/QJ):-  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Mudane C.laahi Ibraahin Habane oo ay Weheliyaan Madax Sare oo ka tirsan Wasaaradaasi ayaa Kulan Balaadhan la qaatay Maamulada Dugsiyada Gaarka loo leeyahay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Siyaasi Cabdi Casiis Samaale oo Ka Qayb galay Shirkii Gudida Fulnta Xisbiga Kulmiye,Sheegayna In Kulmiye Mar Kale Guulaysan doono

Hargaysa 16.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa si Kadiso ah uga soo dhex Muuqday Kulan ay Shalay lahaayeen Gudida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay Siyaasada isku Seegeen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi Isla markaana hore u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Sadex Hay’adood oo Arrimaha Qaxoontiga ka Shaqeeya oo Magaalada Berbera u Tagay Sidii ay Taageero ugu Fidin lahaayeen Qaxoontiga Yemen DAAWO

Hargaysa 16.Aug 2016 (SDN/QJ):- Maamulka Gobolka Saaxil ayaa soo Dhaweyn u sameeyay Sadex Hay’adood oo kala Shaqayn doona Caawimada loo fidiyo Qaxootiga ka soo barakacay dalka Yemen.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ma Rumaysan Kartaa in Cisbitaalo dhan looga Guuray Kadib Markii ay Saldhig u Noqdeen Rooxaamo!!!! DAAWO

Hargaysa 16.Aug 2016 (SDN/QJ):- Cabsida iyo werwerka laga qabo geerida ayaa la aaminsan yahay inay tahay cabsida ugu badan ee uu aadamuhu la kulmo, iyadoo cabsidaasi ay saamayn balaadhan ku leedahay dareenkeena xitaa xiligan oo la gaadhay wakhti wax badan la fahamsan yahay.

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »