Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka Hadlay Tacadiyo ay Ilaaladiisu kula Kaceen Mudanayaal ka Tirsan Golaha Deegaanka Berbera iyo Tiro dad ah oo ay Xabsiga dhigeen DAAWO
Berbera 06.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay inay u soo qab-qabteen dad gaadhaya tobbaneeyo qof shaqaaqadii maalintii Isniintii aynu soo dhaafnay ka dhacday dhul laga sameynayay Maxjar cusub oo lagu caafimaadin doono Xoolaha inta aanay ka dhoofin dekeda Berbera. Wasiir Warancade waxa uu sidaa ku sheegay mar uu…
