Edward Snowden Oo Markale War Fiican Ka Helay Dalka uu Martida u yahay ee Ruushka
Moscow:Aug,09,2014(SDN/QJ)-Edward Snowden oo ah nin hore ula shaqayn jirey Sirdoonka Maraykanka, isla-markaana bixiyey Macluumaadkii ugu badnaa ee siraha dalkiisa la xidhiidha ayaa waddanka Ruushka ka helay muddo-kordhin xagga degenaanshaha ah. Qareenka Snowden Anatoly Kucherena ayaa u sheegay saxafiyiinta in Snowden loo ogolaaday in uu meeshii uu doono mari karo isla markaana dibada u safri karo,…
